Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud; Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Galmudug Mudane Maxamed Guure ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug.
Masuuliyiintan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney halkaasi u tageen sidii ay Xafiis uga furan lahayd xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii ay Maxaabiista ku xiran Cadaado u heli lahaayeen Garsoor iyo Xabsi ku filan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay heshiiskii Nabadeed ee ay isaga iyo dhiggiisa Puntlad ku kala saxiixdeen Dalka Imaaraat-ka Carabta, wuxuuna sheegay in la dhowaan ay billaaban doonaan wada hadallo toos ah, si loo dhammeeyo waxyaabaha dhiman.
Sidoo kale Madaxweynugu wuxuu tilmaamay in howlihii doorashooyinka ay si habsami ah uga socdaan Galmudug, uuna rajeynayo in maalmha soo socda la soo gabagabeeyo uruurinta iyo diinwaan galinta ergada, si loogu gudbo wajigii labaad ee doorashada, kaas oo ah codbixinta.