Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal BJFS ka sheegay mowqifka Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal BJFS ka sheegay mowqifka Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan heshiiska aan sharciga ahayn ee Addis-ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xusay in aragtida ay qaateen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, daris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha aysan ka dhignayn in aan nahay dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

“Dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayey u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, daris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata dariskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala-qeybsanaanteeda kama aanan shaqeyn, annagoo waliba haysanna asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqeyno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada qar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna ka digay caawaqib xumida amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.

“Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaan leeyahay, faro-gelintii Meles Zenawi uu ku sameeyey Soomaaliya waxaa ka dhashay Alshabaab. Maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay oo madaxdoodii inbadan isa soo dhibayaan, dhulkiina aan badankiis ka xoreynay, fursad kale in loo abuuro Alshabaab oo dhallinyaradeenna ay ku soo xereystaan nama qabato, gobolkana ma qabato”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay taariikhda gumeysi la dirarka ee dadka gobollada Waqooyi iyo sida ay uga digtoonaayeen dhagarta shisheeyaha, waxa uuna ugu baaqay jiilasha maanta in ay kala saaraan duurafaha siyaasadeed ee aan joogtada ahayn iyo masiirka jiilasha danbe.

“Taariikhda walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan barri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo Maqaar (Harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad Awooweyaashaas, qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda, aysanna u aqbalayn in taako ka mid ah cid kale qaadato, iyagoo ku shaqeynaya himilo horumarineed iyo midnimo.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo adyeeyayaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diiday. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo argagixisada.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ka hirgalisay deegaanka Hilmo  Dugsi hoose dhaxe “SAWIRRO”

Next Post

Shacabka Caasimadda oo maalinta berri ah dhigayo dibad bax lagu taageerayo go’aanka Dowladda

Next Post
Dibax bax ka dhan ah ganacsatada oo ka dhacay Beledweyne

Shacabka Caasimadda oo maalinta berri ah dhigayo dibad bax lagu taageerayo go'aanka Dowladda

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In