Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 weeks ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(ARUSHA-TANZANIA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Madaxda Dowladaha Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Khudbaddiisii muhiimka ahayd, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu carrabka ku adkeeyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, dowlad-dhiska dimuqraadiyadda, iyo dhammaystirka dastuurka qaranka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026

Sidoo kale wuxuu dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta isdhexgalka iyo iskaashiga gobolka ee dalalka xubnaha ka ah EAC, isagoo muujiyay sida ay dalka uga go’an tahay koboc wadajir ah, xasillooni iyo iskaashi ka dhex dhaca dalalka Bariga Afrika.

Shirkan ayaa isu keenay hoggaamiyeyaasha dalalka EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga ee ay wadaagaan, taasoo sii xoojineysa doorka Soomaaliya ee horumarinta iskaashiga gobolka.

Previous Post

Khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya

Next Post

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Next Post
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qabgalay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In