Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada Doxa, ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayyib Erdogan.
Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotodadheer ee labada dal ka dhexeeya.