Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta 05 September, 2016 si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme cusub iyo sidoo kale barnaamij dib u dayactir loogu samayn doono cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka Cusbitalka guud ee Gaalkacyo, guddiga dib u dhiska cusbitalka, saraakiisha ciidanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladdda Puntland.
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan barnaamij dib loogu dhisayo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana dib u dayactir loogu samayn doono qaybaha ka mid ah cusbitalka ee ka badbaadey weerarkii bahalnimo ee argagixisada Al-shabaab ay dhowaan la beegsadeen suuqqa xero dayax iyo xarunta dawladda Hoose oo deris la ah cusbtilka guud ee degmada Gaalkacyo.
Dr Cabdiweli ayaa ugu baaqay ganacsadata, qurbe joogta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland-ba in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qayb qaataan dib u dhiska cusbitalka iyo dib u dayactirkiisa.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigga kaddib waxa uu u amba baxay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga Qaran oo noqonaya shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhammaystiri doono arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.