Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi oo horkacayay oo dalka Kenya ugu qeybgalay munaasabad lagu maamusayay askartii dowladda Kenya looga diley deegaanka Ceel-Cadde ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Eldoret ee dalka Kenya waxaa uu kaga qeybgalay munaasabadda balaaran oo lagu baroor-diiqayay askartii Kenyaanka aheyd oo qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo 15 bishan Janaayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabab ay ku dileen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada
RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...











