Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xafladda sanad guurada SNTV-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalay xafladda sanad guurada SNTV-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibada lagu xusayay sanad guurada Telefishinka qaranka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasimeyaasha waaxiyaha wasaaradda iyo masโ€™uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa xafladda ka sheegay in munaasibadan ay tahay ย mid lagu xusayay sanad guuradii 33 aad aas aaska Telefishinka qaranka iyo sanad guuradii 5 aad ee dib u howlgelinta ย TV, isla markaana wasaaradda horumar badan ku talaabsatay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in mudadii la soo dhaafay ee sanadka aheyd wasaaradu ay soo kordhisay in Telefishinka qaranka si toos ah barnaamijyada iyo wararka loo tabiyo, isagoo sheegay in markii ugu horeysay fadhiyada baarlamaanka si toos ah looga soo tabiyo xarunta golaha shacabka.

Wasiir maareeye ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaaradu ay dib u soo nooleysay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee (SONNA) isla markaana la tayeyn doono shaqada guud ahaan wasaaradda ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo munaasibada xaflad ka jeediyay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay shaqaalaha Telefishinka qaranka Soomaaliyeed shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab isku dayayaan in ay indhaha iyo dhagaha tiraan Soomaaliya isla markaana warfaafinta Soomaaliyeed u taagan tahay dhismaha iyo horumarka dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sheegay in saxafiga Soomaaliyeed waxa wada oo ka shaqeysiiya in aysan aheyd wax maadi ah isla markaana ay tahay dareen wadaniyadeed sidaa darteedna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan waxyaabaha wanaaga u leh dadka iyo dalka.

Madaxweynaaha ayaa carabka ku dhuftay in Telefishinka iyo Raadiyaha qaranka ay yihiin kuwii ka adkaaday fikirka wax duminta ku dhisan ee Al-shabaabnimada ah isla markaana ay tuseen in aysan shacabka u afduunaanin afkaarta khaldan ee kooxdaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah u amaanay shaqada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in wasaaradda ay kamid aheyd meelihii yeraa oo ka bad baaday burburkii ka dhacay dalka lana abaalmarin doono dadkii howshaas qabtay.

โ€Ma jiri doono qof cabsi gelin kara saxafi si taa lamid ahna ma jiri doono saxafi ku xadgudbi kara qof kale, saxaafadda hadda waa ay ka wanaagsan tahay shantii sano ee la soo dhaafayโ€ ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khubadiisa ku soo hadal qaaday ahmiyadda wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo sheegay in wakaaladdu ay tahay mid qiimo weyn u leh qarankan in ay dib u soo laabatana ay ka dhigan tahay guul la gaaray.

โ€œIn Telefishinka laga daawado shanta qaaradooda ee dunida waa horumar maxaa yeeley meel kasta oo caalamka kamid ah Soomaali ayaa ku nool in ay wax dalka ka socda ogaadaana waa muhiim,โ€ ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Ugu dambeyntii madaxweynaha iyo wasiirka warfaafinta ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda kuwaas oo howl karnimo muujiyay.

MyStream_0.mov.Still001 MyStream_0.mov.Still002 MyStream_0.mov.Still003 MyStream_0.mov.Still004 MyStream_0.mov.Still005 MyStream_0.mov.Still006 MyStream_0.mov.Still007 MyStream_0.mov.Still008 MyStream_0.mov.Still009 MyStream_0.mov.Still011 MyStream_0.mov.Still012 MyStream_0.mov.Still013 MyStream_0.mov.Still014 MyStream_0.mov.Still015 MyStream_0.mov.Still016 MyStream_0.mov.Still017 MyStream_0.mov.Still018 MyStream_0.mov.Still019 MyStream_0.mov.Still020 MyStream_0.mov.Still021 MyStream_0.mov.Still022 MyStream_0.mov.Still023 Sequence 03.Still002 Sequence 03.Still003 Sequence 03.Still004 Sequence 03.Still005 Sequence 03.Still006 Sequence 03.Still007 Sequence 03.Still008 Sequence 03.Still009

Previous Post

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay heshiiskii ay gaareen DFS iyo maamulka Puntland

Next Post

Ciidamada dowladda kuwa Amissom oo la wareegay deeganka janaale

Next Post
Ciidamada dowladda kuwa Amissom oo la wareegay deeganka janaale

Ciidamada dowladda kuwa Amissom oo la wareegay deeganka janaale

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In