Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Iskaashiga Afrika iyo Japan+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Iskaashiga Afrika iyo Japan+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation on Africa Development).

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan qaaradda Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, haddana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’ideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkan kii ka horeeyay ee Tokyo lagu qabtey 2013-kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayey, taasina waxay muujineysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay’’.

Madaxweynaha waxaa u sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, balse nasiiba wanaag waddamada deriska nala ah ayaa waxaan qaadaney mowqif mid ah oo lagula dirirarayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku deydaan iskaashiga Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaasi lagu hakiyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir Madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar geliyo hirgelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furfuran, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka hadley marxalada siyaasadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay doorashada dhaceysa dhowaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir Madaxeedka TICAD oo maanta ka furmey Nairobi ayaa socon doono muddo laba maalmood ah, waxaana diiradda ay saarayaan madaxda ka qeybgaleysa kobinta maalgashiga, abuurista fursadaha ganacsiga ee dadyowga ku jira TICAD, kaabeyaasha dhaqaalaha, dalxiiska iyo adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo dalkiisa uu martigelinayo shirkan ayaa sheegay in Afrika ay haysato fursad dahabi ah oo ay caalamka kula tartami karto dhanka dhaqaalaha , haddii si wanaagsan looga faa’iideysto iskaashiga ay la leedahay dunida inteeda kale.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, oo isna furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in iskaashiga Japan iyo Afrika uu gaarey marxalada ay labada dhinacba dareemayaan inay ku najaxeen, sidaa darteedna Japan ay si gaar ah xil iska saareyso sidii loo xajin lahaa guulahaas, iyo in la kordhiyo taageerada dhinacyada farsamada, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ee Afrika si qaaraddu u yeelato khubaro hore u dhaqaajin kara horumarka la hiigsanayo.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacdo Afrika iyo Japan.

jam9 jam10 jam11 jam12 jam13 jam14 jam15 jam17 jam18

Previous Post

Madaxweynaha dalka oo kahadlay caqabadaha hortaagan dalalka qaaradda Afrika

Next Post

Askari katirsan ciidamada Turkiga oo lagu dilay Suuriya

Next Post
Askari katirsan ciidamada Turkiga oo lagu dilay Suuriya

Askari katirsan ciidamada Turkiga oo lagu dilay Suuriya

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In