Saturday, June 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Ethiopia

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Sawir Hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, ayagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia oo ugu qeybgali doono shir caalami ah oo looga hadlayo dhaqaalaha kaas oo maalinta beri ah sida uu qorshuhu yahay ka furmi doona magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya 30 dowladood oo caalamka ka kala socda waxaana soo qaban qaabisay qaramada Midoobay, waxaana looga hadlayaa horumarinta dhaqaalaha aduunka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo Afrika lagu qabto.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diirada looga soori doonaa maalgashiga Afrika kaas oo socon doona 13 -16 bishan Luulyo, waxaana ka qeybgalaya madaxweyniyaal ,wasiiro maaliyadeed iyo ganacsato.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa kamid ah madaxda ka qeybgali doonta shirkan, iyadoo gudoomiyaha xilligan ee midowga Afrika ahna madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe iyo guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma.

Ajendiyaasha shirka ayaa waxaa kamid ah in dowlaha qaaradda Afrika laga horumariyo hanaanka canshuuraha iyo hagaajinta dakhliga gudaha,sameynta maalgashi key saabsan caafimaadka iyo horumarinta beeraha qaaradda Afrika.

Shirkan caalamiga ah oo looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah markii sadexaad oo la qabta waxaana kan kii ka horeeyay lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qatar

Previous Post

Safaarada Soomaaliya ee Qatar oo soo dhaweysay guusha ay soo hoyeen kooxda kubadda cagta ee Jaalliyadda-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In