Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Qaran ee Dhismaha Maamullada Dowladaha Hoose ee loo yaqaano WADAJIR.

Barnaamijkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ujeeddadiisu ay tahay dejinta qorshaha qaab dhismeedka dowladaha hoose, taas oo qeyb ka ah barnaamijka baahinta maamulka ee isku xiraya maamulka dhexe iyo gobollada dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay dowlad goboleedyada dalka ka jira, gobolka Banaadir , gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muddo saddex maalmood ah Muqdisho ku yeeshay shir ay ku gorfeynayaan qaabka loo dhaqan gelin karo hannaankan oo ah mid ay Soomaali leedahay, khubaro Soomaali ahna ay soo diyaariyeen.

“Waxan qirayaa shaqada adag ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka kuna aaddan ka guul gaarista barnaamijkan. Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ka kala yimid degaannada kala duwan ee dalka ee ka xaajoonayay sida uu u shaqeyn karo barnaamijka WADAJIR, isla markaana su’aalo iska weydiiyay, go’aannana ka gaaray abuurista nidaam hufan oo shaqo, oo taageeraya hannaanka shaqada ee dowladaha hoose’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya isku raacday loo baahan yahay in si wanaagsan loogu baahiyo degmooyinka iyo heerka gobollada, taasina ay keenayso inay fududaato baahinta adeegyada muhiimka ee shacabku u baahan yahay.

“Shacabku xaq bay u leeyihiin inay talo ku yeeshaan waxa ay doonayaan in loo qabto.Taas ayaa muhiim ka dhigeysa jiritaanka maamullada dowladaha hoose, lana xaqiijiyo inuu jiro isla xisaabtan. Dhanka kale waa in maskaxda lagu hayaa in horumar kasta oo loo baahan in amnigu uu sal u yahay. Si amni iyo xasilooni loo helana ay lagama maarmaan tahay in maamul la sameeyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka kula dardaarmay inay maamullada dowlada hoose ee la soo dhisayo ay u dhiibtaan dad xilkas ah oo ammaanada ku wanaagsan, garanna kara baahida shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka tirsan labada gole, iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 unnamed

Previous Post

Maareeyaha guud ee maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde oo la magacaabay

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si buuxda ayay u garab taagan tahay Puntland dagaalka ay kula jirto argagixisada Al Shabaab’’

Next Post
Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Madaxweynaha: ‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si buuxda ayay u garab taagan tahay Puntland dagaalka ay kula jirto argagixisada Al Shabaab’’

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In