Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Laascaanood. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ku aaddan arrimaha bini’aadantinimada, gargaarka degdegga ah iyo qorshayaasha horumarinta bulshada. Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa si diirran u soo dhoweeyay weftiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo taageerada shacabka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa tilmaamay in hay’addu ay ka go’an tahay inay xoogga saarto horumarinta nidaamka maaraynta masiibooyinka iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, Wasiirka Gargaarku wuxuu caddeeyay in maamulku diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo wax tar u leh bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa ku booqday hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka gurmadka iyo adeegyada bulshada.

Hay’adda SoDMA waxay mar kale adkaynaysaa in mudnaanta koowaad ay siinayso taageerada shacabka iyo dhismaha hannaan wax ku ool ah oo wax looga qaban karo masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee ku soo wajahan bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Next Post

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In