Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Laascaanood. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ku aaddan arrimaha bini’aadantinimada, gargaarka degdegga ah iyo qorshayaasha horumarinta bulshada. Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa si diirran u soo dhoweeyay weftiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo taageerada shacabka.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa tilmaamay in hay’addu ay ka go’an tahay inay xoogga saarto horumarinta nidaamka maaraynta masiibooyinka iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, Wasiirka Gargaarku wuxuu caddeeyay in maamulku diyaar u yahay inuu ka qayb qaato hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo wax tar u leh bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa ku booqday hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka gurmadka iyo adeegyada bulshada.

Hay’adda SoDMA waxay mar kale adkaynaysaa in mudnaanta koowaad ay siinayso taageerada shacabka iyo dhismaha hannaan wax ku ool ah oo wax looga qaban karo masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee ku soo wajahan bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Next Post

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In