Madaxwweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi ka billaabaya kulamo lagu dardar gelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo degaanka Harboole, halkaas oo dhawaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay dagaal xoogan kula galeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo la qaato Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda duleedka degmada Afmadow, isaga oo kala hadli doona sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaannada hoostaga degmada Afmadow.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Afmadow iyo sarakiisha Ciidamada ee ku sugan, iyaga oo ka wada hadlay sugida amniga iyo sidii la isaga difaaci lahaa weerarada Al-Shabaab.