Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY GUUSHA SHACABKA IYO DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KASOO HOYEEN DEYN CAFINTA

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

Related posts

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026

“Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna.

“Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

 

Previous Post

DEG DEG: Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Xaqiijisay kiiskii labaad oo COVID-19 ah

Next Post

QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta

Next Post
QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta

QM oo Soomaaliya ugu hambalyeeysay guusha ay ka gaartay deyn Cafinta

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In