Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIR SOOMAALIYEED OO TAKHASUS KU QAADANAYA DALKA TURKIGA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIR SOOMAALIYEED OO TAKHASUS KU QAADANAYA DALKA TURKIGA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ka tirsan Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista ee Erdogan Muqdisho, kuwaas oo takhasus sare ku qaadanaya isbitaallada dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo ardayda la wadaagay dardaaran guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay fursaddan waxbarasho ee ay heleen, baahida caafimaad ee ka jirta dalka, dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaallidda xanuunka COVID-19 iyo dib-u-habaynta adeegyadii caafimaad ee Dalka.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhakhaatiirta ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha aqoon kororsiga ah ee ay heleen, si ay mustaqbalka ugu anfacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, una daboolaan baahiyaha caafimaad ee ka jira Dalka.

“Baahi caafimaad oo weyn ayaa ka jirta dalkeenna, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ay idinka sugayaan in aad dalka uga faa’iideysaan aqoontan aad barateen, iskana ilaalisaan waxyaabaha duufsada qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u soo aada dibadda oo uu tahriibku ka mid yahay.”

Dhankooda, dhakhaatiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad naqay soo dhowaynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu u fudiyey, iyaga oo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoonta iyo waayo aragnimada ay ka heleen dalkan.

Previous Post

La-taliyeyaasha madaxweynaha Ruushka iyo Mareykanka oo wada hadal khadka taleefanka ah yeeshay

Next Post

President Farmajo receives doctors in Turkey

Next Post
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIR SOOMAALIYEED OO TAKHASUS KU QAADANAYA DALKA TURKIGA

President Farmajo receives doctors in Turkey

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In