Wednesday, June 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad celiyey shacabka iyo Dowlad Gobolleedka Puntland soo dhaweynta taariikhiga ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad celiyey shacabka iyo Dowlad Gobolleedka Puntland soo dhaweynta taariikhiga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magalaada.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo tababar lagu baranayey Maamulka, Maareynta iyo Qorsheynta ku qabatay Magaalada Muqdisho

Next Post

Dhageyso: Golaha abwaanada oo ka Tacsiyeey geerida ku timid Abwaan Cali Diiriye Cali Gaab

Next Post
Dhageyso: Golaha abwaanada oo ka Tacsiyeey geerida ku timid Abwaan Cali Diiriye Cali Gaab

Dhageyso: Golaha abwaanada oo ka Tacsiyeey geerida ku timid Abwaan Cali Diiriye Cali Gaab

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa Dowladda...

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In