Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi ka kooban Sideed Xubnood

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi ka kooban Sideed Xubnood
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulkaas u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.

Guddigan oo ka kooban Sideed xubnood oo kala ah wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, waxaana guddoomiye ku xigeen looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Xabad joojin hor dhac ah oo garwadeen uu yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka dhaqan gashay deegaanka Saax-Meygaag oo maalmihii lasoo dhaafay ay aad ugu dagaalameen maleeshaad ka soo kala jeeda beelo wada dega gobollada Sool iyo Nugaal.

Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah.

  1. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Gudoomiye
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeen
  3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,Xoghayn
  4. Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland.
  5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, Wasiir u dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada
  6. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad
  7. Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland
  8. Gen. Maxamed Cali Xaashi ,Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
Previous Post

Shirka wadatashiga Qaran oo Maalintiis 5-aad galay

Next Post

Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

Next Post
Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

Abaar ka jirta deegaanka Kayn oo hoos yimaada Caddaado

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In