Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hoggaaminaayo Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u jooga Soomaaliya Mr Haakon Svane oo maanta booqasho ku yimid Garoowe.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah waxaana kamid ahaayeen Abaaraha, Dimuqraadiyada, Geedi socodka doorashooyinka, la dagaalanka Argagixisada iyo Kulluumaysiga.