Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan oo maanta gaaray Xudur

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo garoonka diyaaradaha ee Xudur kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo soo dhoweynaayay wafdigiisa ayaa sheegay in u jeedada imaatankiisa Xudur ay la xiriirto sidii uu u ogaan lahaa xaaladda dhabta ah oo ka jirta gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025

Mas’uuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISMO ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhoweynta wafdiga Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan,waxaana Wafdigiisa kamid ahaa qaar kamid ah odayaashii dhisay maamulka KMG ee Koonfur galbeed, xubno ka tirsan Ururka Haweenka ee Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweyn ka dib ayaa wafdiga waxaa loo gelbiyay gudaha magaalada gaar ahaan  xarunta maamulka halkaas oo uu kulamo kula yeeshay maamulka gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidanka Xoogga iyo AMISOM isagoo ka xog wareystay xaaladaha Amni iyo tan Insaaniyadda ee ka jirta guud ahaan gobolka Bakool maadaama Xudur iyo magaalooyinka kale oo Al-shabaab laga saaray ay go’doomiyeen.

Booqashadii ugu horeysay oo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Koonfur galbeed uu ku tago magaalada Xudur tan iyo markii dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Previous Post

Barnaamijka kulanka Todobaadka oo lagu falanqeeyay soo bandhigistii dhagarqabe Xasan Xanafi (Dhageyso)

Next Post

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

Next Post

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025
0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

November 24, 2025
0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In