Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo sheegay in dhawaan mashaariic laga hirgelin doono Hirshabeelle

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo sheegay in dhawaan mashaariic laga hirgelin doono Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa faah faahin ka bixiyay mashaariic dhawaan laga hir gelin doono degaannada Hirshabeelle oo ay ka mid tahay Madaxtooyada maamulkaas.

Mudane; Waare ayaa ugu horreyn ka war bixiyay safarradii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu kaga qayb galay shirkii ka dhacay dhawaan Dalka Biljimka, kaas oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

“Runtii shirkaasi shir aad muhiim u ah ayuu ahaa, nabadaynta iyo xaalad kusoo celinta guud ee waddanka, waa Shirkii ugu horreeyay baan dhihi karaa ee Beesha Caalamka ay ugu hadashay bur-burkii ka dib si Dowladnimo ah oo looga hadlo arrimo waawayn oo ay ka mid yihiin sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd hay’adaha caalamka ee maaliyadda sida IMF, Bankiga Adduunka iyo deeq bixiyayaasha ay ka mid yihiin” ayuu yiri mudane Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in barnaamijka ay Soomaaliya la tagtay shirka uu ahaa mid ka tarjumaya xaaladda uu Waddanku ku sugan yahay, taasoo macnaheedu yahay in dib loo raaco ballamadii horay loo galay oo ku aaddan dhanka amniga, dhaqaalaha iyo xagga doorashooyinka.

Wuxuuna mudane Waare sheegay inay Beesha caalamku si wanaagsan ugu riyaaqday barnaamijkii ay soo jeediyeen , wuxuuna sheegay inay halkaasi ka soo baxday ifafaallo wanaagsan , isagoo yididdiilo ka muujiyay inay dhawaan Soomaaliya la jaan qaadi doonto Dunida inteeda kale, deynta laga cafin doono,fursadna loo heli doono in Dalka laga fuliyo mashaariic waaweyn oo wax loogu qabto kaabayaasha dhaqaalaha,sida jidadka, korontada, Dekedaha iyo adeegyada kale ee Bushada.

Deeq bixiyayaasha ayuu sheegay in ay markii hore wax usoo marin jireen Soomaaliya, hay’adaha iyo NGO-yada, bals haatan ay tahay markii ugu horreeysay ee Dhaqaale intaa la eg lagu dhiirrado in lagu aamino hay’adaha Dowladda, taasoo ka turmaysa buu yiri Dowlad wanaagga imminka la gaaray.

Madaxweyne Waare ayaa ha hadlay Waddooyinka xiran ee degaannada Hirshabeelle, taasoo uu tilmaamay inay dhibaato xooggan ku hayso Bulshada, wuxuuna sheegay inay jiraan qorshayaal uu maamulkiisu wax ugu qaban doono dhawaan.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynuhu inay jiraan mashaariic billoowday iyo kuwo dhawaan lagu fulin doono, sida dhismaha xarun cusub oo uu yeesho Baarlamanka Hirshabeelle oo 3-da Bishan Augost laga Dhafax dhigi doono Jowhar, Xafiisyo Dowladeed iyo Waddooyin.

Kunaka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle, ku xigeenkiisa Koowaad iyo xubno ka tirsan Labada gole, waxanay dhammaantood ballan qaadeen inay horay usii wadi doonaan dedaallada lagu horumarinayo degaannada Hirshabeelle.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka banaadir oo booqday qaar ka mid ah Maxkamadaha Gobolka

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Next Post
Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In