Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo sheegay in dhawaan mashaariic laga hirgelin doono Hirshabeelle

caqiil by caqiil
August 1, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo sheegay in dhawaan mashaariic laga hirgelin doono Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa faah faahin ka bixiyay mashaariic dhawaan laga hir gelin doono degaannada Hirshabeelle oo ay ka mid tahay Madaxtooyada maamulkaas.

Mudane; Waare ayaa ugu horreyn ka war bixiyay safarradii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu kaga qayb galay shirkii ka dhacay dhawaan Dalka Biljimka, kaas oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025

“Runtii shirkaasi shir aad muhiim u ah ayuu ahaa, nabadaynta iyo xaalad kusoo celinta guud ee waddanka, waa Shirkii ugu horreeyay baan dhihi karaa ee Beesha Caalamka ay ugu hadashay bur-burkii ka dib si Dowladnimo ah oo looga hadlo arrimo waawayn oo ay ka mid yihiin sidii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd hay’adaha caalamka ee maaliyadda sida IMF, Bankiga Adduunka iyo deeq bixiyayaasha ay ka mid yihiin” ayuu yiri mudane Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in barnaamijka ay Soomaaliya la tagtay shirka uu ahaa mid ka tarjumaya xaaladda uu Waddanku ku sugan yahay, taasoo macnaheedu yahay in dib loo raaco ballamadii horay loo galay oo ku aaddan dhanka amniga, dhaqaalaha iyo xagga doorashooyinka.

Wuxuuna mudane Waare sheegay inay Beesha caalamku si wanaagsan ugu riyaaqday barnaamijkii ay soo jeediyeen , wuxuuna sheegay inay halkaasi ka soo baxday ifafaallo wanaagsan , isagoo yididdiilo ka muujiyay inay dhawaan Soomaaliya la jaan qaadi doonto Dunida inteeda kale, deynta laga cafin doono,fursadna loo heli doono in Dalka laga fuliyo mashaariic waaweyn oo wax loogu qabto kaabayaasha dhaqaalaha,sida jidadka, korontada, Dekedaha iyo adeegyada kale ee Bushada.

Deeq bixiyayaasha ayuu sheegay in ay markii hore wax usoo marin jireen Soomaaliya, hay’adaha iyo NGO-yada, bals haatan ay tahay markii ugu horreeysay ee Dhaqaale intaa la eg lagu dhiirrado in lagu aamino hay’adaha Dowladda, taasoo ka turmaysa buu yiri Dowlad wanaagga imminka la gaaray.

Madaxweyne Waare ayaa ha hadlay Waddooyinka xiran ee degaannada Hirshabeelle, taasoo uu tilmaamay inay dhibaato xooggan ku hayso Bulshada, wuxuuna sheegay inay jiraan qorshayaal uu maamulkiisu wax ugu qaban doono dhawaan.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynuhu inay jiraan mashaariic billoowday iyo kuwo dhawaan lagu fulin doono, sida dhismaha xarun cusub oo uu yeesho Baarlamanka Hirshabeelle oo 3-da Bishan Augost laga Dhafax dhigi doono Jowhar, Xafiisyo Dowladeed iyo Waddooyin.

Kunaka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle, ku xigeenkiisa Koowaad iyo xubno ka tirsan Labada gole, waxanay dhammaantood ballan qaadeen inay horay usii wadi doonaan dedaallada lagu horumarinayo degaannada Hirshabeelle.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka banaadir oo booqday qaar ka mid ah Maxkamadaha Gobolka

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Next Post
Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

September 9, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In