Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Itoobiya haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay waan wada hadli karnaa

Idman Yahye by Idman Yahye
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh: Itoobiya haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay waan wada hadli karnaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiinayay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay madaxtooyada Qaranka ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee Itoobiya,wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale oggolayn.

Wuxuu madaxweynuhu xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa kasoo haroo dhan waa ka wada hadleynaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxayn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray dhiggiisa dalka Yemen

Next Post

Eedeysane Sayid-Cali oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Next Post
Eedeysane Sayid-Cali oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Eedeysane Sayid-Cali oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In