Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur'aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Ali Ahmed by Ali Ahmed
5 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ABAAL MARINNO LACAGEED GUDDOONSIIYAY TARTAMEYAASHA KAALIMAHA HORE KA GALAY TARTANKA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN
 
Muqdisho, Maarso 05, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey Ardeyda kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.
 
Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore oo uu tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka wanaagsan ee dalka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah.
 
Madaxweyne Xasan Sheeekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodkii dib u eegista Dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka oo ah aas-aaska ugu weyn ee uu ku dhisan yahay nidaamka dowladeed ee dalka.
 
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.
 
DHAMMAAD
Previous Post

Gobolka Banaadir oo isu xilqaamay afurinta dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In