Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley Daahfurka Barnaamiijka Hufnaanka Maamulka Dowliga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley Daahfurka Barnaamiijka Hufnaanka Maamulka Dowliga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ku soo bandhigtey Barnaamijka Daah-furnaanta Dowladda.

Barnaamijkan ayaa hadafkiisu yahay diyaarinta macluumaadka guud ee dowladda, meel marinta sharciyo, xeerar iyo habab keeni kara in dowladdu xilkasnimo muujiso, shacabkana laga qeybgeliyo ka tala bixinta arrimaha qaranka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye , kuna jira marxalad dhib u dhis ballaaran, ayaa muhimadda barnaamijkan daahfurnaanta u leeyahay ay tahay in waddanku noqdo kan ugu horreeya qaaradda Afrika, dhanka hufnaanta marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hufnaanta iyo daahfurnaanta ay qeyb ka yihiin dowlad wanaagga ay Soomaaliya hiigsaneyso.

“Hufnaanta iyo daahfurnaanta dowladda waa qeyb ka mid ah dhowrista ammaanada, waana sida ay diinta islaamka ina fareyso. Sameynta macluumaadka guud ee dowladda waa mid horseedeysa xog-ogaalnimada muwaadiniinta, hufnaanta maaliyadeed iyo inaan caalamka tusno hadafka aan leenahay inuu yahay sameynta nidaam adag oo isla xisaabtan ku saleysan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Aqoonyahannada iyo khubaradda ka qeybgashey daahfurka munaasabadan qaran, ayaa fursad loo siiyey inay Madaxweynaya su’aalo ka weydiiyaan qaabka ugu habboon ee barnaamijkan dalka looga hirgelin karo.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey qaar ka mid ah su’aalaha , ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda loo baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan sidii sharciga loo dhowri lahaa, haddii taasi la helana ay hubaal tahay in geeddi-socodka dib u dhiska Soomaaliya uu guuleysanayo.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqey dhammaan hay’adaha dowladda inay waxqabadkooda u soo bandhigaan shacabka si loo abuuro jawi is- aaminaad, daahfurnaan , isla xisaabtan iyo wacyigelinta shacabka.

Munaasabadda waxaa kale oo hadal ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Madaxda dalka oo abaalmarin guddoonsiisay gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In