Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna argagixisada, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah khawaarijta Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.

Previous Post

Somali National Army captures Bud-bud area under Galmudug State

Next Post

Ergayga Ilaalinta Arrimaha Rayidka oo booqday Xarunta SoDMA “SAWIRRO”

Next Post
Ergayga Ilaalinta Arrimaha Rayidka oo booqday Xarunta SoDMA “SAWIRRO”

Ergayga Ilaalinta Arrimaha Rayidka oo booqday Xarunta SoDMA "SAWIRRO"

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In