Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Rome

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Rome
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalkeennu uu la leeyahy Talyaaniga.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare, Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Previous Post

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay madaxa WFP

Next Post

Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo sii kordheysa

Next Post
Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo sii kordheysa

Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo sii kordheysa

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In