Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo xabsiga lagu celiyay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo xabsiga lagu celiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada sare ee dalka Koofur Afrika ayaa amartay in xabsigiga lagu celiyay madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma, ka dib markii go’aankii horey maxkamaddu u gaartay dhinaca la iska dhigay lana sii daayay sababo caafimaad darteed, sida uu sheegay xaakimka Arbacadii.

79- sano jirkan ayaa bishii September si ku meel gaar ah looga soo daayay xabsiga sababo caafimaad, Mr. Zuma ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah ka dib markii uu quursaday maxkamadda isla markaana iska dhaga tirey in uu ka soo qeybgalo dhageysiga eedeymo musuq maasuq oo loo heystay.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Hanaanka cadaaladda ee ka dhanka ahaa eedeymaha musuq maasuq muddadii sagaalka sano ee xukunkiisa oo ugu dambeyn keentay is casilaadiisa ayaa loo arkaa tijaabo sida uu u shaqeynayo nidaamka Koofur Afrika ka dib xukunkii midab takoorka gaar ahaan madaxda awoodda badan oo taageero badan ku dhex leh bulshada.

Zuma ayaa booliiska isu soo dhiibay 7 bishii Luulyo waxaana u bilowday xukunka, kumanaan kamid ah taageeriyaashiisa ayaa waddooyinka waa weyn ee dalkaas isugu soo baxay ayagoo ka soo hor jeeda go’aanka maxkamadda.

Banaan baxyadaas ayaa sababay, in ka badan 300 qof ayaa ku dhintay rabshadaas iyadoo kumanaan ganacsato ahaa ku ceyroobeen.

Jacob Zuma ayaa dalka Koofur Afrika xukumayay intii u dhexeysay 2009 ilaa 2018 waxaana si weyn u soo shaac baxay muddadaas eedeymo maamul xumo maaliyadeed ah, sidoo kale la alkumay dhageysi gaar ah oo ku saabsan musuq maasuq sababay in xilka madaxweyne ku xigeenka laga ceyriyo sanadkii 2005 ka dib markii si xun u maamulay  lacag $2 billion oo dowladda ku gashay heshiis hub kala iibsi ah.

Zuma, ayaa waxaa lagu eedeeyay lunsasho hanti dowladeed, lacago la dhaqo iyo eedeymo kale oo dhowr ah, waxaana la filayaa in xabsiga ku sii jiri doono ilaa sanadkan soo aadan.

Si kastaba, Zuma ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay, isagoo dhamaan kiisaskan ku sifeeyay kuwo siyaasad ka dambeyso oo la doonayo in kooxdiisa lagu faquuqo gudaha xisbiga talada haya ee ANC. Laakiin xisbiga wuxuu sheegay in arrintan ay la taalo garsoorka.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Qaylo dhaan ka dhan ah geedka Xashiishka oo ka soo yeersay beeraleyda Shabeelaha Dhexe

Next Post
Qaylo dhaan ka dhan ah geedka Xashiishka oo ka soo yeersay beeraleyda Shabeelaha Dhexe

Qaylo dhaan ka dhan ah geedka Xashiishka oo ka soo yeersay beeraleyda Shabeelaha Dhexe

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In