Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo cunaqabatayn saaray madaxa Ciidamada sirdoonka Uganda

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo cunaqabatayn saaray madaxa Ciidamada sirdoonka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay madaxa ciidamada sirdoonka Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, kaas oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, oo ay geysteen ciidankiisu.

Milatariga Uganda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Washington, oo sannadihii u dambeeyay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026

Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tillaabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta iyo wiiqidda dimuqraadiyadda dalalkaas.

Waaxda Maaliyadda ayaa soo rogaysa cunaqabatayn is daba joog ah todobaadkan kahor bilowga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadiyadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.

“Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dadka reer Ugandan “sababo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaaminayay su’aalo la weeydiinayay shaqsiyaadka la xiray,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiraysa hantida Genral Kandiho, waxayna guud ahaan ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.

Bayaan ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheega inay ka xunyihiin tallabada mareykanka.

Previous Post

Wasiirka Beyle oo la kulmay  Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Next Post
Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ayaa beenisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo la xiriira hakad...

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In