Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo Hindiya kala hadlaya hagaajinta xuquuqda aadanaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa Arbacadan maanta ah la kulmaya dhigiisa dalka India ka hor kulan oo la qaadan doono raโ€™isul wasaare Narendra Modi, xilli Shiinaha uu doonayo in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya isla markaana Meesha laga saaro kala mad madowga.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Blinken, uu ku tago Hindiya tan iyo markii uu ku biirey maamula madaxweyne Biden, waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah tallaalka safmarka COVID-19, xaaladda amni dalka Afghanistan iyo arrimaha xuquuqda aadanaha ee Hindiya.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Xoghaye Blinken, waxaa uu sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Hindiya uu yahay mid aad muhiim u ah, hadalkan ayuuna ka sheegay kulan magaalada New Delhi kula qaatay qaar kamid ah madaxda ururada bulshada rayidka ah.

โ€œDadka Hindiya iyo kuwa Amerikaan ah waxay rumeysan yihiin sharafta bani aadanimada, u sinnaanta fursadaha, ku dhaqanka sharciga, xoriyadda diimaha.. sidoo kale dhammaan kuwani waa aas aaska dimoqraadiyada aan jecelnahay,โ€ ย ayuu yiri.

Safarkiisa New Delhi waxaa laga filanayaa in aad looga hadli doona arrimaha xuquuqda aadanahaย  Hindiya oo ay ku jirto sharciga jinsiyadda dalkaas oo aad looga soo hor jeestay, maadaama takoorey malaayiin muslimiin ah oo wadankaas ku nool.

Xukuumadda Modi, ayaa wajahaysa eedeymo ku saabsan caburinta u ololeeyeyaasha xuquuqda aadanaha iyada oo talada dalkaas majaraha u hayaan xisbiga mayalka adag oo ay ku fogaatay Hinduusnimada.

Xoghaye Blinken ayaana la qorsheeyay in maanta gelinka dambe uu la kulmo dhigiisa Hindiya Subrahmanyam Jaishankar.

Waxay ka wada hadli doonaan arrimaha gobolka oo quseeya danaha labada dalka, cudurka safmarka ah ee COVID-19, xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Afghanistan.

Arrimaha gobolka ee Indo-Pacific ayaa falanqeeyeyaashu leeyihiin waxaa isa soo saraya awooda militiri ee Shiinuhu soo bandhigayo, labadan dal waxay Beijing u arkaan khatar ku soo food leh.

Wada hadalka New Delhi sidoo kale, waxaa lagu faaqidi doonaa kulan madaxeedka affar geesood ah oo dhammaadka sanadkan Hindiya marti gelin doono, kaas oo u dhexeeyay, Australia, India, Japan iyo Mareykanka.

Dalalkan ayaa isu garabsanaya sidii ay uga hor tagi lahaayeen awoodda Shiinaha uu ku leeyahay gobolka Indo- Pacific.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa sidoo kale socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwaite.

Previous Post

Shil gaari oo dhimasho badan sababay oo ka dhacay Hindiya

Next Post

Madaxweyne Laftagareen oo maanta Baydhabo dib ugu laabtay

Next Post
Madaxweyne Laftagareen oo maanta Baydhabo dib ugu laabtay

Madaxweyne Laftagareen oo maanta Baydhabo dib ugu laabtay

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In