Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada 1aad ee dalka oo ugu Hambalyaysay Haweenka 8 Maarso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Marwada 1aad ee dalka oo ugu Hambalyaysay Haweenka 8 Maarso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso, ayaa guud ahaan haween weynaha Soomaaliyeed u dirtay hambalyo, dhiirrigelin iyo bogaadin ku aaddan doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan halganka dowlad dhiska iyo samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Marwo Saynab oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ugu horrayn ugu baaqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, in loo gurmado shacabkeenna tabaalaysan ee ay abaaruhu saameeyeen, lala gaaro biyo iyo cunto degdeg. Sidoo kale, waxa ay xustay doorka muhiimka ah ee ay dumarka Soomaaliyeed ka qaateen xornimadoonkii, dhismihii dowladnimo iyo badbaadinta shacabkeenna xilliyadii dagaallada sokeeye.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026

“Waxaa hubaal ah in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarta bulshadeenna. Waxa ay door lama illaawaan ah ka soo qaateen xornimo doonkeennii. Xillii dagaallada sokeeye waxa ay noqdeen isha ay ku badbaadeen qoysaska Soomaaliyeed, iyaga oo si geesinnimo leh uga la soo dabbaashay duruufihii adkaa. Sidoo kale, waxa ay door lixaad leh ka qaateen, weli na ka ciyaarayaan dowlad dhiska dalkeenna iyo sidii uu qarankeennu dib cagihiisa isugu taagi lahaa.”

Marwada ayaa ka warbixisay dadaalladii Hay’adda Samafalka ee Saynab Macallin Foundation ay ka gaysatay wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee ay qabto bulshadeennu, si gaar ah baahiyaha caafimaad ee haysta haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed, iyada oo tilmaantay in qaar ka mid ah gobollada dalka laga furay xarumo daryeel caafimaad u fidiya hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Marwada Koowaad oo ka warbixisay duruufaha adag ee ay la kulmaan haweenku, kuwaas oo ay ugu horreeyaan faquuqa jinsiga ah, kufsiga, gudniinka fircooniga ah iyo daryeel la’aanta caafimaad, ayaa ugu baaqday Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku biiray labada gole ee Baarlamaanka, in ay qaataan door metelaad dhab ah, una qareemaan haweenka soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Horjoogayaal sare oo ka tirsan Argagixisada Al Shabaab oo Gacanta lagu soo dhigay

Next Post
Horjoogayaal sare oo ka tirsan Argagixisada Al Shabaab oo Gacanta lagu soo dhigay

Horjoogayaal sare oo ka tirsan Argagixisada Al Shabaab oo Gacanta lagu soo dhigay

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In