Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ah gaarsiisay xarunta Wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho.

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta Wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiindo, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo, carro iyo Jaay, iyadoo wakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaraddaasi Eng. Saalax Sheekh Cismaan, asigoo wasiirku ka warbixiyey halka
uu marayo dhismaha Wasaaradda oo socday maalmihii la soo dhafey.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026

Dr.  Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka  Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dalka Qamar Cali Cumar ayaa ka warbixisay kaalmada qalabka dhimaha ah ee ay Marwo Qamar ugu deeqday Wasaaradda howlaha guud, iyadoo xustay in kaalmadani qeyb ka tahay tabarucaadda lagu dhisayo xarunta Wasaaraddaasi.

Eng. Saalax Sh. Cismaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa uga mahadceliyey Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Soomaliya Qamar Cali Cumar sida ay hormuudka ugu noqotay gacan ka geysashada dib u dhiska xaruntii wasaradda howlaha guud, isagoo sheegay in qalabkani uu fududeeyey dhismihii Wasaradda oo agab la’aan u fadhiyey, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee kala joogta dalka iyo dibadda iney ka qeyb qataan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kal hore ku dhawaaqey in si wada jir ah looga qeyb qaato mashruuca dalkaaga dhiso, waxana looga fadhiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iney si waddaniyad leh uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo go’aamiyay in xiriirka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan

Next Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In