Madaxa arrimaha bani’aaddinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado awoodda soo kabsashada bulshooyinka si ay uga adkaadaan saameynta abaaraha soo noqnoqda, sida macluusha.
“Kaddib sanad oo aan si wadajir ah dadaal badan u sameynay, anaga oo ka hortagnay macluul, ma dooneyno in aan kaliya dhahno dib ayaan u dhignay, waxa aan dooneynaa in aan dhahno si guul ah ayaan ula dagaalannay ugana adkaannay macluul,” ayuu yiri Isku-Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aaddinimada u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq.
“Taageeridda dadka ku sugan xaalado degdeg ah isla markana la dhiso awoodda dib u soo kabsashada,” ayuu yiri, “waxaa ay gacan ka geysan doonaan in macluusha xiga laga hortago, oo aan kaliya dib loo dhigin.”
Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Hargeysa ee ‘Somaliland,’ halkaas oo uu la kulmay madax heer sare iyo wakiillada bulshada rayidka.
Mowduuca muhiimka ah ee uu ka duulayay ayaa waxaa uu ahaa in iyada oo sanadkii 2017-kii laga hortagay in ay macluul ka dhacdo waqooyiga bari ee Soomaaliya, taasi oo lagu aaneynayo dadaallada Soomaalida iyo bah-wadaagta caalamiga ah, waxaa weli taagan halista loogu jiro macluul la xiriirta abaaraha, iyada oo malaayiin qof oo ku nool gobolka ay weli baahi weyn u qabaan gargaar bani’aaddinimo oo nolol-badbaadin ah.
“Dadaallada bani’aaddinimo waa arrinta aan siineyno mudnaanta koowaad,” ayuu yiri. “Dabcan, waa arrinta koowaad ee aan ku hayno maskaxdeenna.”
Natiijooyinka ka soo baxay qiimeynta baahiyada ee saameynta abaarta ee dhowaan la sameeyay oo ay hormuud ka ahaayeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, oo gacan ka helayay bah-wadaagta caalamiga ah, ayaa muujinaya in sugnaansho la’aanta cunnada iyo tirada badan oo dadka oo saldhig ka dhiganaya magaalooyinka ay yihiin qaar ka mid ah arrimaha horseeday xaalad bani’aaddinimo oo degdeg ah.
“Waxaa noo muuqdaa barakac fara badan,” ayuu yiri mas’uulka Qaramada Midoobay. “Waxaan arkeeynaa caasimadaha iyo magaalooyinka ‘Somaliland’ oo horumar sameynaya, iyo tiro badan oo dad danyar ah oo ay ka baaba’een xoolahooda iyo hab-nololeedkooda oo imanaya magaalooyinka ayaga oo rajeynaya in ay helaan taageerro iyo kaalmo – dadkaan intooda badan dib uma laabanayaan.”
Isku-Duwaha Arrimaha Bani’aaddinimada oo sidoo kale ah Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ayaa kulammadiisa ku shaaciyay in dadaallada gargaarka degdegga iyo dhismaha awoodda dib u soo kabsashada ee muddada dheer aysan is diideynin, balse ay is waafaqsan yihiin, loogana gol leeyahay in laga adkaado abaaraha iyo macluusha soo noqnoqda.
Mudane de Clercq ayaa intaasi raaciyay in muddo toban ilaa iyo 20 sano kaddib, ay ku dhowaad boqolkiba 80 bulshada ka mid ah ay ku noolaan doonaan magaalooyinka iyo caasimadaha, isla markana aan lagu tiirsanaan doonin xoolaha nool iyo hab-nololeedka reer- guuraaga, asaga oo xusay in, “qoshaheenna, waa in aan ku darno xaqiiqadan.”
Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa xusay waxa ay mas’uuliyiinta ‘Somaliland’ u sheegeen ku dhowaad labo sano ka hor: “Waxaa soo socotaa abaar, xaaladdana aad ayay u darnaan doontaa, balse waxaan dooneynaa arrintan in aan soo afjarno, ma dooneyno in mar waliba dhowr sano kaddib aan u baaqno gargaar. Waxa aan rabnaa dalka in uu soo saarto raashiin, in uu soo saaro hantidiisa, si aanan ku tiirsanaan kaalmo bannaanka nooga timid.”
Intii uu ku jiray booqashadiisa, Mudane de Clerq ayaa la kulmay dad kala duwan oo magac ku leh ‘Somaliland’, oo ay ku jiraan Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo sidoo kale wakiillada bulshada rayidka. Arrimaha ay ka wada-hadleen ayaa waxaa ka mid ah dadaallada dhismaha awoodda dib u soo kabsashada kuwaas oo la waafajin karo qorshaha horumarinta ee ‘Somaliland,’ iyada oo laga faa’iideysanaya wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda, Hay’adaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
SONNA