Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Maxaa Hor Yaala Xildhibaannada Baarlamaanka Kalfadhigooda Ugu Dambeeya ee 8aad ,,,,Qormo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Barnaamijyada, Maqaallo, Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaar garowgii ugu dambeeyey ee loogu diyaar garoobayey furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baaramaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gebageboobay ayadoo la dejiyey ajandayaasha Kalfadhiga iyo sida ay hor tabin ama mudnaan u kala leeyihiin waxaana qorshaha uu yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u furo Kalfadhiga ugu dambeeya ee Baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya 10ka bishan April hadii uu Alle idmo.

Kalfadhigan 8aad oo ah Kalfadhiga ugu dambeeya Baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya ay yeelato ayaa waxaa Golaha Shacabka hor yaala howlo badankood saameyn ku leh dalka iyo dadka waxaana ay u kala qeybsan yihiin seddex qeeybood.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

1- Dhameystirka iyo ansixinta dib u eegista Dastuurka Dalka

2- Ansixinta iyo wax ka bedelka Shuruucda hada Golaha hor taala ee maray Akhrinta 1aad iyo 2aad

3-Ansixinta barnaamijka Xukuumadda ee ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhacaya

Qeybta ugu horeysa ee koobaad oo ah dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka dalka waa howlaha ugu waaweyn ee loo igmaday Baarlamaanka hada jira maadama uu Dastuurku yahay mid si KMG ah ay ergo ka kooban 825 xubnood oo bulshada laga soo kala xulay bulshada Soomaaliyeed, dib u eegista waxaa hada kusoo sameeyey guddiga dib u eegista dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka .

Labada guddi oo gudanaya sida uu farayo cutubka 15aad ee Dastuurka Dalka waxa ay isla soo eegeen wax ka bedelka Cutubyo badan oo Dastuurka dalka ka mid ah ayaga oo kaashanaya Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waloow ay weli u harsan yihiin cutubyo kale balse 15ka bishii February ee sanadkan 2016 ayey Baarlamaanka hor keeneen wax ka bedelkii ay soo sameeyeen, halkaas ayeyna shaqada kasii amba qaadi doonaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayadoo laga doonayo in mar kasta ay u dhaga nug laadaan aragtida dadweynaha.

Qeybta labaad ee ansixinta iyo wax ka bedelka Shuruucda hada Golaha hor taala ee maray Akhrinta 1aad iyo 2aad waa mid aad ugu sahlan Baarlamaanka oo mudo ayey guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ka shaqeynayeen sharciyadan ayagoo mar kasta fiiro gaar ah u lahaa aragtida Xildhibaanka ee sharciga markaasi golaha ka doodayey waxaana qorshaha lagu howlgalayo uu yahay in la dhameystiro sharciyada Golaha hor yaala akhrin kasta oo u harsan ama codeyn waloow sharciyada ay ku jiraan mashruucyo sharci oo Golaha ka aas aasmay.

Mida ugu dambeysa oo qiyaasta qeyb ka ah howlaha adag ee hor yaala Golaha Shacabka Kalfadhiga 8aad waa ansixinta Barnaamijka Xukuumadda ee doorashooyinka dalka ka dhacaya waxaana horey u jiray qaraar Baarlamaani ah oo ku saabsanaa in Xukuumadda ay uga fadhiyaan iney Golaha hor keento sida ugu macquulsan Barnaamijkeeda ku aadan nooca doorashooyin ee dalka ka dhacaya taasi oo iyana ay suurtagal tahay in ay waqti ka qaadato golaha dhexdiisa in la isku qanciyo oo la isku raaco.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u asteeyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in barnaamijkan ay ku hor keento Golaha Shacabka ugu dambeyn 15ka bishan April taasi oo hada ay naga xigaan maalmo kooban oo qura mana ku cada shintiriska ama jadwalka shaqo ee Baarlamaanka maalmaha ay Baarlamaanku ku qaadan doonto barnaamijkan ansixintiisa si uu sharciyad buuxda u helo.

Inkastoo howlahan looga fadhiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu ku qabti hal Kalfadhi gudihiis oo ah Kalfadhigooda ugu dambeeya ayaa hadana waxaanan meesha ka marneyn in ay jiri karaan caqabado ay tan ugu horeysa tahay soo xaadirid la’aanta Xildhibaannada sida aynu ka baranay Kalfadhiyadii hore waxaana Kalfadhigan 8aad uu uga duwan yahay Kalfadhiyadii hore in go’aannada qaarkood meel marintooda ay u baahan tahay aqlabiyad xoogan seddex meelood laba tirada guud ee Golaha oo ah 184 cod in ay ku meel maraan sida wax ka bedelka Dastuurka ayadoo shaqooyin u baahan go’aanno noocaas ah aanay golahan soo marin Kalfadhiyadii hore.

Gunaanud

Waxaanan shaki ku jirin in waqtigan kooban ee halka Kalfadhi oo dastuur ahaan afar bilood ay howlahaas ku qaban karaan Baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya sida looga arkay Kalfadhiyadii hore oo ay ku ansixiyeen 20 Sharci,26 qaraar iyo 7heshiis waase hadii aanay imaan caqabadaha ay ugu horeyso guntanka oo la waayo,

Waxaa Qoray:- C/fataax Daahir Jayte Wariyaha Radio Muqdisho,SNTV iyo Wakaaladda SONNA uga soo warama Baarlamaanka

Previous Post

Arday baratay cilmiga caafimaadka iyo teknolojiyada casriga ah oo la guddoonsiiyay shahaadooyin “SAWIRRO”

Next Post

Natiijooyin hordhaca oo ka soo baxaya doorashooyinkii maanta ee Jabuuti+Wareysiyo

Next Post
Natiijooyin hordhaca oo ka soo baxaya doorashooyinkii maanta ee Jabuuti+Wareysiyo

Natiijooyin hordhaca oo ka soo baxaya doorashooyinkii maanta ee Jabuuti+Wareysiyo

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In