Booqashadii Ragep Dayib Erdogan ee 19 August 2011, waxay horseedday isbedel muuqda iyo horumar la taaban karo, waxay noqotay maalin ku wayn taariikhda Soomaaliya, waqti badan ayay qaadanaysaa in wax laga qoro halkii ay Soomaalidu joogtay sanadkaas ka hor, waxaa guud ahaan dalka gaar ahaan gobalada koonfureed ka taagnaa colaado iyo abaaro labaatan jirsaday, kuwaas oo sababay gaajo iyo cudurro aad u naafeeyay dadka Soomaaliyeed, rajada in Soomaaliya ku soo noqoto dal ka mid ah waddamada caalamka ayaa ahayd mid aan muuqan, waxaa dalka ku dhuftay abaar tii ugu xooganayd muddo lixdan sano ah taas oo sababtay in ay naftooda waayaan kumanaan dad ah.
Dagaalladii dhiigga badan ku daadanayay ayaa sii laba laabmay, qiimaha maciishadda daruuriga ah ayaa cirka isku sii shareeray iyadoo beeralaydii iyo xoolo dhaqatadiina noqdeen qaxooti ku bara kacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, tahriibka dhalinyarada ku sii hoobanayay badweynta ayaa ahaa mid gaaray heerkii ugu sareeyay, nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada assaasiga ah ayaa ahaa kuwo laga quustay, xaalad deg deg ah ayuu dalku galay waxaana soo baxay dalab si isdaba joog ah uga soo yeerayay xukuumaddii xiligaas jirtay ee kumeelgaarka ahayd taas oo beesha caalamka ka codsatay kaalmo bini aadinimo oo deg deg ah, waxay ahayd nasiib darro wayn in hay’adahii gargaarka iyo waddamada deeqda bixiya ay dhegaha ka fureysteen qaylo dhaantii Soomaaliya, jawaab la’aantii lala kulmay ayaa shacabka Somaaliyeed ku dhalisay quusatiin iyo in baryada Alle ku ekaadaan.
Waa maali Arboco ah, qoraxdu aad u kulushahay, cirkuna uusan laheyn daruuro, waxaa garoonka magaalada Muqdishu ee Adan Abdulle international airport cagaha soo dhigatay markii ugu horeysay mudo 22 sano duulimaad caalami ah, waa Turkish Airlines, waxaa ka soo degaya Raisulwasaarihii Turkiga ee xiligaas Ragep Dayib Erdogan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golohiisa wasiirada, xubno ka tirsan baarlamaanka Turkiga, Qoyskiisa iyo dad kale oo miisan ku leh dalka Turkiga, amaanka Muqdishu oo ahaa mid aad u liitay xiligaas waxay ahayd maalmo yar kadib markii ururka Alshabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa jirtay cabsi aad u xoogan, runtii Muqdisho maalintaas ma ahayn meel ay booqan karaan wefdi heerkaas ah, kaas oo misaankooda ka sokoow tiradooduna ka badnayad 100 ruux, hase yeeshee waxay ahaayeen dad lagu tilmaamay in ay go’aansadeen in ay naftooda qaaliga ah u huraan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysnaa si ay u samata bixiyaan.
Durbadiiba waxaa billoowday gar gaar bini’aadanimo kii ugu badnaa ee soo gaara dalka Soomaaliya, waxaa si hagar la’aan ah loo taakuleeyay dadkii tabaaleysnaa, dhaqaatiir iyo khubaro caafimaad ayaa si xowli ah u soo galay dalka si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markiiba waxaa xoogeystay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal, waxaa la furay safaaraddii dalka Turkigu ku lahaa Soomaaliya, taas oo noqotay safaaraddii koowaad ee laga furuy meel ka baxsan gegida diyaaradaha, waxaa sii laba kacleeyay waxqabadkii walaalaha Turkigu ee ku aadanaa xaga bini’aadanimada iyo horumarinta.
Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad abaalka guda, taas ayaa keentay in dalka iyo dadka Turkiga lagu tilmaamo walaalo gaar ah, kuwaas oo loo hayo tix gelin ka duwan tan wadamada kale, la yaab ma aha in maanta dadka Soomaaliyeed ayan Turkida u aqoonin ajnabi, ama in aad aragto caruur Soomaaliyeed oo loogu magic daray magaca Erdogan, taasi waxay ka turjumaysaa heestii aheyd “Abaal ninkii galaaba, in loogudaa gar weeye”
La soco qeybta Sadaxaad todobaadka dambe.
By: Axmed Guuleed