Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booqashadii Ragep Dayib Erdogan ee 19 August 2011, waxay horseedday isbedel muuqda iyo horumar la taaban karo, waxay noqotay maalin ku wayn taariikhda Soomaaliya, waqti badan ayay qaadanaysaa in wax laga qoro halkii ay Soomaalidu joogtay sanadkaas ka hor, waxaa guud ahaan dalka gaar ahaan gobalada koonfureed ka taagnaa colaado iyo abaaro labaatan jirsaday, kuwaas oo sababay gaajo iyo cudurro aad u naafeeyay dadka Soomaaliyeed, rajada in Soomaaliya ku soo noqoto dal ka mid ah waddamada caalamka ayaa ahayd mid aan muuqan, waxaa dalka ku dhuftay abaar tii ugu xooganayd muddo lixdan sano ah taas oo sababtay in ay naftooda waayaan kumanaan dad ah.

Dagaalladii dhiigga badan ku daadanayay ayaa sii laba laabmay, qiimaha maciishadda daruuriga ah ayaa cirka isku sii shareeray iyadoo beeralaydii iyo xoolo dhaqatadiina noqdeen qaxooti ku bara kacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, tahriibka dhalinyarada ku sii hoobanayay badweynta ayaa ahaa mid gaaray heerkii ugu sareeyay, nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaan adeegyada assaasiga ah ayaa ahaa kuwo laga quustay, xaalad deg deg ah ayuu dalku galay waxaana soo baxay dalab si isdaba joog ah uga soo yeerayay xukuumaddii xiligaas jirtay ee kumeelgaarka ahayd taas oo beesha caalamka ka codsatay kaalmo bini aadinimo oo deg deg ah, waxay ahayd nasiib darro wayn in hay’adahii gargaarka iyo waddamada deeqda bixiya ay dhegaha ka fureysteen qaylo dhaantii Soomaaliya, jawaab la’aantii lala kulmay ayaa shacabka Somaaliyeed ku dhalisay quusatiin iyo in baryada Alle ku ekaadaan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Waa maali Arboco ah, qoraxdu aad u kulushahay, cirkuna uusan laheyn daruuro, waxaa garoonka magaalada Muqdishu ee Adan Abdulle international airport cagaha soo dhigatay markii ugu horeysay mudo 22 sano duulimaad caalami ah, waa Turkish Airlines, waxaa ka soo degaya Raisulwasaarihii Turkiga ee xiligaas Ragep Dayib Erdogan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golohiisa wasiirada, xubno ka tirsan baarlamaanka Turkiga, Qoyskiisa iyo dad kale oo miisan ku leh dalka Turkiga, amaanka Muqdishu oo ahaa mid aad u liitay xiligaas waxay ahayd maalmo yar kadib markii ururka Alshabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa jirtay cabsi aad u xoogan, runtii Muqdisho maalintaas ma ahayn meel ay booqan karaan wefdi heerkaas ah, kaas oo misaankooda ka sokoow tiradooduna ka badnayad 100 ruux, hase yeeshee waxay ahaayeen dad lagu tilmaamay in ay go’aansadeen in ay naftooda qaaliga ah u huraan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysnaa si ay u samata bixiyaan.

Durbadiiba waxaa billoowday gar gaar bini’aadanimo kii ugu badnaa ee soo gaara dalka Soomaaliya, waxaa si hagar la’aan ah loo taakuleeyay dadkii tabaaleysnaa, dhaqaatiir iyo khubaro caafimaad ayaa si xowli ah u soo galay dalka si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markiiba waxaa xoogeystay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal, waxaa la furay safaaraddii dalka Turkigu ku lahaa Soomaaliya, taas oo noqotay safaaraddii koowaad ee laga furuy meel ka baxsan gegida diyaaradaha, waxaa sii laba kacleeyay waxqabadkii walaalaha Turkigu ee ku aadanaa xaga bini’aadanimada iyo horumarinta.

Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad abaalka guda, taas ayaa keentay in dalka iyo dadka Turkiga lagu tilmaamo walaalo gaar ah, kuwaas oo loo hayo tix gelin ka duwan tan wadamada kale, la yaab ma aha in maanta dadka Soomaaliyeed ayan Turkida u aqoonin ajnabi, ama in aad aragto caruur Soomaaliyeed oo loogu magic daray magaca Erdogan, taasi waxay ka turjumaysaa heestii aheyd “Abaal ninkii galaaba, in loogudaa gar weeye”

La soco qeybta Sadaxaad todobaadka dambe.

1IB0A0271 2IB0A0274 Baker Bozdag Isbital Bekir Bozdag & Ambassador bozdag-somali Carruur-kuwa-Barakacayaasha-ah-oo-Wafdiga-Soo-dhoweynaya Cartoon 30_MAY_2012 Erdogan Muqdisho Erdogan-Sharif Fanaanad-u-dhalatay-Turkiga-oo-Wafdiga-ka-mid-ahayd-oo-deeq-siineysa-Barakacayaasha IB0A0125 IB0A0689 IB0A0692 IB0A1235 IB0A1243 IB0A1334 IB0A1601

SOMALI'NIN BASKENTI MOGADISU'DA, TURK KIZILAYI TARAFINDAN YAPTIRILAN ANKARA STADI'NDA, FUTBOL TURNUVASI DUZENLENDI. TURNUVADA DERECEYE GIREN TAKIMLARA KUPALARI, TURK KIZILAYI TARAFINDAN VERILDI. (ANADOLU AJANSI - MUHITTIN SANDIKCI) (20120722)
SOMALI’NIN BASKENTI MOGADISU’DA, TURK KIZILAYI TARAFINDAN YAPTIRILAN ANKARA STADI’NDA, FUTBOL TURNUVASI DUZENLENDI. TURNUVADA DERECEYE GIREN TAKIMLARA KUPALARI, TURK KIZILAYI TARAFINDAN VERILDI. (ANADOLU AJANSI – MUHITTIN SANDIKCI) (20120722)

Somali-Turky

By: Axmed Guuleed

Previous Post

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey Doolow “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey Doolow “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey Doolow "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In