Friday, May 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Maxaad ka taqaan Racep Tayyip Erdogan?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Maxaad ka taqaan Racep Tayyip Erdogan?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

BY: Liibaan Cabdi Cali
Magaciisa oo buuxa waa Raccep Tayyip Erdogan. Waxa uu ku dhashay magaalada Istanbul 26-kii February 1954.  Waa madaxweynihii 12-aad ee Turkey. Muddadii u dhexeysay 1994 iyo 1998 waxa uu ahaa duqa magaalada Istanbul. 2003 ilaa 2014 waxa uu ahaa ra’iisulwasaarihii  36aad ee Turkiga.

Sanadkii 2001 Erdogan waxa uu aasaasay  Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta AKP, kaas oo saddex jeer oo is xiga ku guuleystay doorashooyinkii guud ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2002,2007 iyo 2011.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026

Erdogan waxa uu ka soo jeedaa qoys sabool ah, yaraantiisiina waxa uu magaalada Istanbul ku iibin jiray qare, si uu aabbihiis ugu kaalmeeyo quudinta qoyska oo aad sabool u ahaa.

Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha.

Erdogan waxa uu soo noqday Ciyaartoy caan ah, isagoo u ciyaari jiray kooxda  Kasimpasa muddadii u dhexeysay 1969 ilaa 1982, ka hor intii aan loo dooran duqa Istanbul.

2003-dii markii uu noqday Ra’iisulwasaaraha Turkiga, Erdogan waxa uu ka shaqeeyay in Turkigu gaaro degganaano Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Ammaan. Waxa uu la heshiiyay Armenia ka dib cadowtooyo sanado badan soo jirtay, waxa xiriir la furay Giriigga,Azarbejan iyo jamhuuriyaadkii hore ee Soviet-ka.

Waxa uu soo celiyay xiriirkii kala dhexeeyay inta badan dalalka Carabta, isagoo  fasaxay in ay Viso la’aan imaan karaan Turkiga. Sidaas oo kale ayuu u xoojiyay xiriirka Turkiga iyo dalalka reer galbeedka.

2009-kii Istanbul waxaa loo aqoonsaday caasimadda dhaqanka ee Europe. Waxa uu sidoo kale dadaal ku bixiyay in Turkigu ka mid noqdo Midowga Yurub, arrintaas oo horumar laga gaaray.

Erdogan iyo Gaza

Racep Tayyip Erdogan waxa uu mowqif adag iska taagay duullaannadii ay Israel dhowr jeer ku qaadday GAZA iyo sida ay ugu tumatay shacabka masaakiinta ah reer Falastiin.

29-kii January 2009, Erdogan waxa uu isaga baxay Shirkii DAVOS isagoo ka carooday hadallo daan-daansi ah oo uu jeediyay madaxweynaha Israel  Shemon Berez oo u qiil dayay xasuuqii Israel ka geysatay Gaza.

Erdogan waxa uu Berez ugu jawaabay “Waad iga da’ weyntahay, laakiin xaq uma lihid in aad lahjaddaas ku hadashid adigoo codkaaga hor u qaadaya, taas oo muujineysa in aad dambiile tahay, Askartiinnu waxay xeebta Gaza ku xasuuqayaan carruur aan dambi lahayn idinkuna waad ku faraxsantihiin”.

Sanadkii 2010 dowladda Sacuudigu waxa ay Erdogan siisay abaal marinta caalamiga ah ee Boqor Feysal ee u adeegista islaamka.

2012-kii Turkigu waxa uu ku dhawaaqay in uu bixiyay dhammaan deymihii uu ku lahaa Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Erdogan waxa uu xilligaas yiri Turkey lacag dambe kama deynsan doonto IMF, balse IMF ayay deyn siin doontaa”.

Muddadii Erdogan talada hayay Turkey waxa uu noqday  dalka 16aad ee ugu dhaqaalaha xooggan dunida, dhanka milaterigana waa dalka 7aad ee ugu xooggan caalamka.

2011-kii markaas oo ay Soomaaliya ku dhufatay macluushii ugu xumayd gobolka muddo 60 sano ah, Erdogan waxa uu go’aansaday in uu booqasho ku yimaad Soomaaliya , isagoo indhaha caalamka u ku soo jeediyay Soomaaliya oo sanado badan la iska illaaway.

Erdogan waxa uu ballan qaaday in dowladdiisu fulin Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic  horumarineed, taas oo uu ka dhabeeyay.

Turkigu waxay muddo 3 sano gudohood ku dhiseen jidad,isbitaallo,Iskuullo,garoonka iyo dekadda Muqdisho . waxaa intaas dheer howlaha dhanka bani’aadminimada  oo aan marnaba joogsan.

Previous Post

Maamulka Koonfur galbeed oo guddi u saaray Aaska Allaha u naxriistee Xildhibaan Xaabsade

Next Post

Daawo Sawirada imaanshaha Madaxweynaha Turkiga Rece Tayyip Erdogan iyo sida loo soo dhoweeyay

Next Post
Daawo Sawirada imaanshaha Madaxweynaha Turkiga Rece Tayyip Erdogan iyo sida loo soo dhoweeyay

Daawo Sawirada imaanshaha Madaxweynaha Turkiga Rece Tayyip Erdogan iyo sida loo soo dhoweeyay

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In