Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamad ku taal dalka Talyaaniga oo xabsi daa’in ku xukuntay nin Somali ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga xabsi daa’in, ku xukuntay nin Soomaali ah kaddib markii lagu helay dambi ah inuu jirdil iyo dil isugu daray dad muhaajiriin ah oo ku sugnaa dalka Libiya.

Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in kaddib markii Dacwad ka dhan ah ay u fariisatay Maxkamad ku taala Dalka Talyaaniga waxaana lagu soo oogay danbiyo kala Duwan.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Maxkamadda ayaa muwaadinkan Soomaaliyeed ku eedeysay in uu jirdil, kufsi iyo Dil u geystay dad Tahriibayaal ah oo doonaayay in ay gaaraan Qaaradda Yurub, iyaga ka imaaanaya Waqooyiga Qaaradda Africa waxaana la sheegay in uu la shaqeysan jiray Kooxo kale oo aan Soomaali aheyn.

Wakaalladda Wararka Talyaaniha ee ANSA ayaa sheegtay inay Maxkamadu ku heshay Eedeysanaha dilka 4 qof oo uu jir-dil ugu geystay Libya.

Dadka muhaajiriinta ah ee ka yimaada dalalka saxaraha ka hooseeya ayaa waqtiga ugu badan ku qaata xeryaha ku yaala Libiya, halkaasoo madax furasho ahaan loogu heysto, waxaana eheladooda ka sugaan lacagaha la siiyo dadka wax tahriibiya ee u qaada dalalka Yurub.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dadka faraha badan ee tahriibayay dad galayay dalalka Yurub, waxaana ciidamada badda Talyaaniga ay bad baadiyeen boqolaal muhaajiriin ah oo doonayo caag ahoo ah kuwa la buufiyo ka raacay xeebaha Liibiya

 

Previous Post

Akhriso taariikhda Calankeena iyo halgankii loo soo maray

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro

Next Post
Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah+Sawirro

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da'yar ah+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In