Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal hore oo loo haystay Weerarkii Garoonka Aadan Cadde

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal hore oo loo haystay Weerarkii Garoonka Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow oo ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada Xoogga Dalka illaa Dowladdii AUN madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka xilligii dib u habaynta Electronic ahayd ee 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin.

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38-aad ee degan Villa Baydhabo.

23-kii bishii March ee Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana abaabulka weerarkii Biyamaalow ku naf waayay Allaha Unaxariiste Cabdirisaaq Aabi Cali, oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay dil toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Guulane

Next Post

Ku simaha Madaxweynaha JFS dalka oo booqday Ciidanka xooga dalka ee ka howlgala xudur

Next Post
Ku simaha Madaxweynaha JFS dalka oo booqday Ciidanka xooga dalka ee ka howlgala xudur

Ku simaha Madaxweynaha JFS dalka oo booqday Ciidanka xooga dalka ee ka howlgala xudur

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In