Dhageysiga dacwada loo heystay eedeysanayaal lala xiririinayo inay ku lug la haayeen qaraxii diyaaradda Daallo Airline ka dhex dhacay 2-dii bishii Febraury ee sanadkan ayay maanta soo gaba gabeysya maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida waxaana la filayaa in maxkamaddu ay maalmaha soo socda ku dhawaaqdo xukunada eedeysanayasha.
Xeer ilalainta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn ayaa soo jeedisay arimaha loo heysto eedeysanayaashan oo tiradoodu gaareyso 15-ruux inkastoo mid kamid ah uusan maxkamadda goobjoog ka aheyn.
Qaraanada difaacaayey eedeysanayaashan ayaa iyaguna ku doodayay inaysan laheyn wax dambi ah inkasto hey’adaha ammanka ay soo bandhigeen muqaalo iyo markhaatiyaal muujinayo kaalinta ay ku la haayeen qaraxadii diyaaradda Daallo Airline, dadkan gaarayay 15 qof oo mid kamid ah uu maxkamadda ka maqnaa.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay in maxkamaddu xirantahay dibna looga dhawaaqi doono xukunada ay mudanyihiin.
Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida heerkeeda 1-aad ayaa looga fadhiya Xukunnada kama dambeysta ah oo ay mudanyihiin eedeysanayaasha lala xiriirinayo inay kaalin ku lahaayaan qaraxii ka dhex dhacay diyaaradda Daallo 02-02-2016,kaasi oo ay ka dambeeyeen kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.