Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukun Ku Riday Labo Askari oo horay Dil ka kageystay Magaalada Baydhabo e xarunta gobalka Baay.
Dable Boolis Abaadir Isxaaq Nuur oo Xaaskiisaย ku dilay Xafada Isha ee magaalada Baydhabo ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ku riday Xukun dil ah, Ka dib markiiย Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ku eedeysay in uu Si Bareer ahย u diley xaaskiisi.
Sido kale Maxkamadda ayaa Xukun ku ridey Askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Dulmi diim, Dable Maxamed Buule Ahmedย ย oo Baydhabo ku diley Maxruum lagu magacaabijiray Cali Xasan Dooyow, ย ย kaasiย oo Maxkamada ku xukuntay in uu bixiyo Diyada marxuumka oo ah Boqol Neefย oo Geel ah iyo 5-sanoย oo Xabsi Ciidan ah.
Waxaa ugu danbeeyn Xukunka Maxkamadda ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60-aad Gaashanle Sareย Aadan Abuukar Maxamed.

















