Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadahii Musuqa ee Rafcaanka laga qaatay ee loo heystay Eedeysanayaal katirsanaa, Wasaaradda Shaqaada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa horay xukunno kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, haseyeshee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku riday.