Midowga Afrika ayaa sheegay in 25 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhameysteen tababar dhanka xuquuqda Aadanaha .
Tababarkan oo socday labo cisho ayaa ahaa dhanka online ama habka fogaan wax ku barashada ee Internet-ka.
Midowga Afrika waxa uu sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay sare u qaadida ciidanka arimaha la xiriira xuquuqda aadnaha iyo sharciyada ku saleysan .
Madaxa difaaca xuquuqda Aadanaha ee AMISOM Kareem Adebayo ayaa saraakiisha ku booriyay in cilmiga ay barteen ay fuliyeen marka ay shaqada ku jiraan oo ay xirfadda la baray meel mariyaan.
Saraakiisha waxaa la baray dhaqanka Soomaalida, sida loo fuliyo howlgallada Nabadda iyo ilaalinta xuquuqda dumarka iyo ka hortagidda xad gudubyada Galmada la xiriira.
W/D: Maxamed Maxamuud Dhoore (London)