Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Milishiyaadka Shiicada ee Waddanka Ciraaq oo aag dagaal oo cusub ku furan kooxda Daacis.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Milishiyaadka Shiicada ee Waddanka Ciraaq ayaa sheegay in ay ka bilaabeen weerar  Galbeedka magaalada Mousel, iyaga oo furay marin  kale oo looga saarayo  kooxda isku magacawday Daacish, magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Ciraaq, ee Mousel .

Isbaheeysiga  Milishiyaadka ee loo yaqaan midowga isbaheeysiga Shacabka Ciraaq oo aan door wacan ka qadan dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay dhigeen wacdaro.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Afhayeenka isbaheeysigaasi  Axmed Al Asadi ayaa shir jaraa’id  qabtay, waxaana uu sheegay in todoba saac gudaheed dagaal ay kula jireen kooxda Daacish ay uga qabsadeen ilaa toban xaafadood oo markii hore maamuli jireen kooxdaasi argagixisada ah ee Daacish

Marin cusub oo ay daah fureen Milishiyaadkaasi shiicada ah ayaa la rumeeysan yahay in ay tahay halbowlaha kooxdaasi Daacish oo qiimo weeyn ugu fadhiday,dhinaca kale haddii laga eego waxa laga qabsaday meelo istiraatiiji ah oo dhabar jab ku rideeysa kooxdaasi Daacish.

Xoogagga Milishiyaadka ee hor kacaya dagaalkaasi ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay  jaraan, wadada isku xirta Mousel iyo dalka Syria, si aanay u helin gurmad kooxdaasi Daacish.

Howlgalada Militeri  ee ay wadaan Milishiyaadka shiicada ayaa qorshahooda uu yahay in ay hareereeyaan magalaadaasi Mousel, si kooxaha argagixisada ah ayan u helin sahayda militeri iyo rasaasta.

Previous Post

Dadka reer Ivory Coast oo maanta u dareeraya goobaha cod bixinta.

Next Post

Dhulgariir xoogan oo markale ka dhacay Dalka Talyaaniga.

Next Post
Khasaarihii ka dhashay dhul-gariirkii Talyaaniga oo kordhay-Sawirro

Dhulgariir xoogan oo markale ka dhacay Dalka Talyaaniga.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In