Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo in ka badan labaatan sano marti u ahayd Guluf Colaadeed ayaa haatan ku naalooneysa jawi deggan iyo nasteexo, laakiin saameyntii ka dhalatay dagaalladaasi waxay ilaa iyo hadda ka muuqataa meelo badan, halka meelaha qaarkood si tartiib tartiib ah dib u dhis loogu sameeyey.

Lama dafiri karo dadaallada aan xowliga badan ku soconin ee ay Ganacsatada iyo dadka kale ee Qurba Joogta ah kusoo kordhiyeen caasimadda muuqaallada cusub iyo dhismooyin casri ah, waxaad arkeysaa daaro ganacsi oo naqshado cusub leh, beero lagu nasto oo ay inta badan ku kulmaan dhallinyarada, carruurta iyo hooyooyinka, garoomo casri ah oo lagu cayaaro kubadda iyo maqaayado ku teedsan xeebaha oo loo dalxiis tagayo.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Waa tallaabooyin niyadsami leh oo rajooyinka bulshada kor u qaadaya, balse waxaa muuqata in weli la tabayo wax badan oo halbowle u ah dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Warbixintan inaan qoro waxaa igu dhaliyey markaan jawaab u waayey sababta in ka badan labaatan sano Dib u dhis loogu sameyn la’ yayay dhismooyinka ku yaalla faras magaalaha caasimadda, gaar ahaan Waddada ballaaran ee ku taalla Taalada Daljirka Dahsoon ilaa Km 0.

Dhowr iyo labaatan sano ka hor halkaas waxay ahayd goobta ugu  shidan caasimadda uguna mashquulka badan, balse hadda ganacsi badan kama jiro maalinkii, habeenkiina wayba dansan tahay.

Muuqaalka kuu soo baxaya muxuu noqon karaa kaliyah haddii dib u dhis lagu sameeyo dhismooyinka dowladeed ee ku yaalla halkaasi, sida xaruntii hore ee Barlamaanka, Hotelkii Shabeelle, Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka, Xaruntii Wakaaladda Badbaadada Shaqaalaha (Sukurisiyone) iyo xarumaha kale ee ku yaalla nawaaxiga Km0 oo ay ka mi tahay Hotelkii Jubba?.

Sow lama dhihi karo waxay dowr ka qaadaneysaa Quruxda Caasimadda. Fiiri sawirkan laga qaaday beri-samaadkii agagaarka xaruntii hore ee Barlamaanka iyo sawirka maanta siduu yahay. Sababta aan Waddadan u carab-dhabay ayaa ah in ay maanta halbowle u tahay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba nilicda magaalada.

Waxaa haboon ugu yaraan hay’adaha dowladda in ay ku hoggaamiyaan oo ay ku abaabulaan shacabka mashruucyo ISKAA WAX U QABSO ah  kaasoo la mid ah MASHRUUCII  DALKAAGA DHISO uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

MASHRUUCA DALKAAGA DHISO kuma filna in lagu koobo dib u dhiskii xarunta Aqalka Dowladda Hoose (Ex Fisha Guverno) ee waa in mashruucaas la ballaariyaa loogana faa’iideystaa muhiimadda uu ku fadhiyo magac ahaan.

Dib u dhiska dalka kaliyah uma calaamadeyn karno daaraha burbursan ee waxaan kaloo is xasuusineynaa wax ka qabashada waddooyinka iyaguna burburay ee jidcadaha isku badalay ee ku yaalla caasimadda, Adeegyadii  Waxbarashada  iyo Caafimaadka , kuwaasoo dhammaantood u baahan in dib u dhis lagu sameeyo.

Maamulka gobolka Banaadir oo leh dowrka dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaado Isbeddel waqti dheer aan qaadan, haddii uu jiro isfaham dhexmara Maamulka gobolka iyo ganacsatada waxaa la rumeysan yahay in ay natiijo hormar leh sameyneyso.

Xukuumadda Federalka qudheeda waa iney dabagal ku sameysaa ballanqaadyadii iyo heshiisyadii ay dowladaha caalamka qaarkood ay Soomaaliya ugu niyad-dhiseen iney ka taageeri doonaan dib u dhiska, taasoo wax badan ay ka soo bixi karaan.

Haddii magaalada Muqdisho loo soo celiyo Muraayadeedii waxaa hubaal ah in guud ahaan magaalooyinka kale ee dalka ay horseed u noqoneyso juhdiga lagu bixiyey caasimadda, mashruucyada halkaan ka hirgalana waxay noqon doonaan kuwa ku dayasho mudan.

W/Q: Maxamed Abuukar Axmed (MA’DA)

muq 4Waddada Km 0muq 2dhismaha waddooyinkadhismooyinka xaafada cusubAqalka Xamarbeerta nabadda37_Amiin-758gv-960x525198_Amiin-497-9-960x525489_Amiin-64mj-960x5251553_SAWIRRO-648j-960x525SAWIRRO-7hxeebta liido

Previous Post

Yoweri Museveni oo guuleystay

Next Post

Arday shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay Gaalkacyo+Sawirro

Next Post
Arday shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay Gaalkacyo+Sawirro

Arday shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay Gaalkacyo+Sawirro

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In