Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniinta Turkiga oo Fiisa la’aan gali kara waddamada midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Midowga Yurub ayaa rasmiyan ku taliyay in muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado in fiisa ama dal-ku-gal la’aan ay galaan inta badan waddamada xubinta ka ah midowga Yurub.

Arrintaasi ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo heshiis midowga Yuurb uu horey ula galay Turkiga oo ku saabsan muhaajiriinta.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Guddoomiye ku xigeenka golahani, Frans Timmermans, ayaa sheegay in Turkigu uu ku khasban yahay in uu shuruudo muhiim ah ka soo baxa, balse uu ku socda waddo wanaagsan oo arrintaasi horseedeysa.

Isbadalkaasi dhanka dal-ku-galka muwaadiniinta Turkiga ayaa la dhaqan gelin doonaa bisha Luuliyo ee sanadkan, balse waxa ay arrintaasi u baahan tahay in uu ansixiyo baarlamaanka reer Yurub iyo in inta badan waddamada reer Yurub ay arrintaasi isla ogolaadaan.

Heshiiska ayaa dhigaya in Turkiga uu la wareego muhaajiriinta Giriigga uga soo tallaabay dhanka badda Aegean-ka.

Golahani ayaa sidoo kale isbadal ku sameeyay nidaamka magangelyo siinta Yurub si loo yareeyo dhibaatada Giriigga iyo Talyaaniga ka haysata qulqulka muhaajiriinta.

Xigasha Laanta Af Soomaaliga ee BBC

 

Previous Post

Kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Next Post

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Next Post
Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Garsoorayaal soo dhaweeyay go'aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In