Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin loo heysto burburinta taariikhda magaalada Timbuktu oo ICC la geeyay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Nin loo heysto burburinta taariikhda magaalada Timbuktu oo ICC la geeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamka oo loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta qaaday dacwad nooceeda tii ugu horeysay ah, Axmed Al-Faqi Al-Mahdi oo kamid ah hogaamiyeyaasha kooxda Ansaaru diin ee ka dagaalanta galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Mali.

Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu hogaaminayay kooxdii ka dambeeysay burburinta loo geystay dhismiyaal taariikhi ah oo ku yaalay magaalada Timbuktu ee woqooyiga dalka Mali sanadkii 2012 markii kooxda Ansaaru diin oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida uu la wareegay halkaas.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Axmed oo da’diisu tahay 40 sano jir, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay waxaana uu codsaday in la cafiyo.

Waa markii ugu horey oo maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada  Hague ee dalka Holland ay qaado kiis la xiriir burburin dhaqan. Sidoo waa markii ugu horeysay oo maxkamaddu la keeno qof ka tirsan kooxaha argagaxisada.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Mr. Mahdi uu kamid ahaa kooxda Ansaaru diin oo muddo bilo ah gacanta ku heysay magaalada Timbuktu.

Qoraal ay maxkamadu soo bandhigtay ayaa waxaa lagu sheegay in Mr. Mahdi uu yahay nin kamid ah culimada diinta isla markaana dagaalyahanada kooxdaas uu ku armay in ay burburiyaan goobaha taariikhiga ah.

Waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ah burburinta sagaal goobood oo ay kamid yihiin madxafyo iyo Masjid.

“Runtii aad ayaa ugu xumahay , runtii waa ka shalaayay dhammaan waxyeeladii ka dhashay ficilka la igu eedeeyay”. ayuu yiri Mr. Mahdi

“Waxaa rabaa in aad waano yar siiyo dhammaan muslimiinta aduunka taas oo ah in aysan sameyn ficilkan oo kale sababtana waxaa weeye ma keeneyaan in wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dacwadiisa ayaa la soo gabagebeyn doonaa todobaadka soo socda. Waxaana muteysan doonaa xukun gaaraya 30 sano.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Mr. Mahdi.

Magaalada Timbuktu ayaa ah magaalo caan ah waxaana dhisimyaasha ku yaala intooda badan ay ka sameysan yihiin dhoobo iyo alwaaxyo. Waxayna aheyd xarun islaami ah intii u dhaxeysau qarniyadii  13th ilaa 17th, iyadoo hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhaqan iyo cilmiga ah  ee UNESCO  ay ku dartay liista taariikhda aduunka sanadkii 1988.

 

 

Previous Post

Wakiilka QM oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland-Sawirro

Next Post

Deegaano Baay ka tirsan oo Al-shabaab lagala wareegay maanta

Next Post
Ciidamada Xooga Dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal

Deegaano Baay ka tirsan oo Al-shabaab lagala wareegay maanta

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In