Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin loo heysto burburinta taariikhda magaalada Timbuktu oo ICC la geeyay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Nin loo heysto burburinta taariikhda magaalada Timbuktu oo ICC la geeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamka oo loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta qaaday dacwad nooceeda tii ugu horeysay ah, Axmed Al-Faqi Al-Mahdi oo kamid ah hogaamiyeyaasha kooxda Ansaaru diin ee ka dagaalanta galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Mali.

Axmed ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu hogaaminayay kooxdii ka dambeeysay burburinta loo geystay dhismiyaal taariikhi ah oo ku yaalay magaalada Timbuktu ee woqooyiga dalka Mali sanadkii 2012 markii kooxda Ansaaru diin oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida uu la wareegay halkaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Axmed oo da’diisu tahay 40 sano jir, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay waxaana uu codsaday in la cafiyo.

Waa markii ugu horey oo maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada  Hague ee dalka Holland ay qaado kiis la xiriir burburin dhaqan. Sidoo waa markii ugu horeysay oo maxkamaddu la keeno qof ka tirsan kooxaha argagaxisada.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Mr. Mahdi uu kamid ahaa kooxda Ansaaru diin oo muddo bilo ah gacanta ku heysay magaalada Timbuktu.

Qoraal ay maxkamadu soo bandhigtay ayaa waxaa lagu sheegay in Mr. Mahdi uu yahay nin kamid ah culimada diinta isla markaana dagaalyahanada kooxdaas uu ku armay in ay burburiyaan goobaha taariikhiga ah.

Waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ah burburinta sagaal goobood oo ay kamid yihiin madxafyo iyo Masjid.

“Runtii aad ayaa ugu xumahay , runtii waa ka shalaayay dhammaan waxyeeladii ka dhashay ficilka la igu eedeeyay”. ayuu yiri Mr. Mahdi

“Waxaa rabaa in aad waano yar siiyo dhammaan muslimiinta aduunka taas oo ah in aysan sameyn ficilkan oo kale sababtana waxaa weeye ma keeneyaan in wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dacwadiisa ayaa la soo gabagebeyn doonaa todobaadka soo socda. Waxaana muteysan doonaa xukun gaaraya 30 sano.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Mr. Mahdi.

Magaalada Timbuktu ayaa ah magaalo caan ah waxaana dhisimyaasha ku yaala intooda badan ay ka sameysan yihiin dhoobo iyo alwaaxyo. Waxayna aheyd xarun islaami ah intii u dhaxeysau qarniyadii  13th ilaa 17th, iyadoo hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhaqan iyo cilmiga ah  ee UNESCO  ay ku dartay liista taariikhda aduunka sanadkii 1988.

 

 

Previous Post

Wakiilka QM oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland-Sawirro

Next Post

Deegaano Baay ka tirsan oo Al-shabaab lagala wareegay maanta

Next Post
Ciidamada Xooga Dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal

Deegaano Baay ka tirsan oo Al-shabaab lagala wareegay maanta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In