Nuur Macalin Abuukar Calasow oo kamid ahaa Khawaarijta Al-shabaab,ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe.
Goobta lagu soo bandhigayey Khawaarijkan waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow,Jeneraal Ibraahin Yuusuf iyo Masuuliyiin Kale.
Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.Waxaa muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koo baxaab ,Dhallinyaraddii ay khaldeen Khawaarijta waqtigooda dhammaaday,oo iskaga soo tagaya meelaha yar ee ku dhuumaalaysanayaan.