Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo go’aano ka soo saartay carruur lagu laayay Yeman

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo go’aano ka soo saartay carruur lagu laayay Yeman
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib shir ay ku yeeshaan magaalada Newyorka,Golaha Ammaanka ee JImciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa kaga hadlay duqeyntii lagu dilay caruur badan oo Yemaniin ah,iyadoo dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen,xili ay saarnaayeen gaari bus ah.

Waxaa kulanka kadib Goluhu uu isku raacay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga,xili Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen uu khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Karen Pierce oo ah kusimaha Madaxa Golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in loo baahanyahay baritaan dhab ah oo arrintaasi ku aadan,si looga jawaabo.

Duqeymahaasi ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo lagu dilay duqeyntaasi,halka tiro intasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in baadhayaan dhacdadaas.

Dalka Yeman ayaa dagaalada ka socda waxaa ay saameeyeen nolosha malaayiin ruux  oo ka barakacay guryohooda,kumanaan ayaa ku geeriyootay,halka tiro kale aad u badana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Previous Post

Jaamacadda SIU oo siminaar aqoon kororsi ah u qabatay Macalimiin “SAWIRRO”

Next Post

Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Next Post
Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In