Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero farsamo joogto ah loo baahan yahay si kor loogu qaado awoodaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, isla markaana awood u siinaysa in ay gudato waajibaadkeeda Qaran iyo tan caalamiga ah si waafaqsan qawaaniinta Caalamiga ah.

Jassim Ibraahim Al Malki, Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa hadalkan ka sheegay intii lagu guda jiray kulanka Soomaaliya ay ku soo bandhigeysay tallaabooyinka ay u qaaday Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo ay ka mid aheyd dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. .

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Al-Malki ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado kala duwan oo saameeya xasiloonideeda iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo xusay in taasi ay u baahan tahay in beesha caalamka ay isku duubnaadaan, isla markaana ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran taageeridda hannaanka Qaran ee arrimaha la xiriira Xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Xoghayaha Saddexaad ee Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa intaa ku daray in dhinaca beni’aadannimada, Soomaaliya ay xilligan sii wajaheyso saameynta abaarta, cunno yarida iyo barakaca gudaha, taas oo loo baahan yahay in la helo jawaab celin caalami ah oo isku dubaridan oo xiriirisa taageerada degdega ah iyo istaraatiijiyado horumarineed oo kor u qaadaya adkeysiga bulshooyinka isla markaana yareynaya ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah.

Al-Malki waxa uu xaqiijiyey in Dawladda Qatar ay sii wadi doonto bixinta taageerada beni’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta, iyada oo la kaashanaysa iskaashi wax ku ool ah oo ay la yeelato Qaramada Midoobay, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay taageerada aan kala go’a lahayn ee ay ku taageerto Soomaaliya.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo Lasoo Wareegtay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Lasoo Wareegtay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya Oo Lasoo Wareegtay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In