Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Qormo: Aan Wada Hadalno, Waa Aan Heshiino !

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Qormo: Aan Wada Hadalno, Waa Aan Heshiino !
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa 14-kii bishan ayaa dalkiisa Djibouti ku marti geliyey wada hadalalada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si loo sii wado wada-xaajoodkii soo socday sannadihii lasoo dhaafay.

Waxana madasha tagay wafdi balaan oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha dawladda Federalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,Waxana sidoo kale ka qayb-galay ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo diplomasiyiinta beesha caalamka oo uu hormuud u ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamota.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Madaxwaynaha Jabuuti oo shirka furay ayaa sheegay inay wada hadalladaan ka rajeyneyaan wax kheyr u ah umadda soomaaliyeed.

Madaxwayne Farmaajo ayaa shegay inay muhiim tahay in madaxda maanta ka tagaan dhaxal wanaagsan si dhallinyarada Soomaaliyeed looga saaro dhibaatooyinka rigaadiyay loogana shaqeeyo inay helaan mustaqbal wanaagsan.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhankiisa tilmamay in shirkaan  saameyn ku leeyahay Soomaali oo dhan, dhankoodana diyaar u yihiin inay dhegeystaan ra’yiga ka duwan si loo gaaro xal.

Shirkaan socday dhowrka maalmood ayaa laga soo saaray  qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

Sidii loo sii wadi lahaa wada hadallada, meel marinta heshiisyada shirarkii hore iyo soo celinta kalsoonida labada dhinac.

Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay in mar kale la sii anba qaado wada hadalladii u dhaxeeyay labada dhinac si lo gaaro xal lagu wada qanacsanayahy guulna gaarsiin kara shacaba Soomaaliyeed.

Muhiimadda Wada Hadalladaan

  • In miiska wada hadalka mar kale la fadhiisto waxay caddeyneysaa in wada hadalku yahay dariiqa lagu xallin karo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.
  • Haddii wada hadalladu sii socdaan waxaa la ogaanaya waxyaabaha lagu mideysan yahay iyo meelaha lagu kala aragti duwanyahay taas oo soo dhaweyneysa masaafada labada dhinac u dhaxeysa.
  • Haddii la ogaado waxa lagu mideysan yahay waxaa ka dhalanaya in laga wada shaqeeyo la iskana kaashado.
  • Sidoo kale qodobada la isku khilaafsanyahay waxaa loo raadinaya xal ay labada dhinac ku qanci karaan.
  • Wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu qayb ka qaadanaya soo celinta kalsooni iyo is aaminaad dhex marta labada dhinac.
  • Ugu danbeyna, wada hadalka waxaa ka dhalan karaa is fahan iyo wada noolaansho bulshadeed.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo kadib dalka looga dabbaal degi doono sannad guuradii lixdanaad ee ka soo wareegtay markii shacabka Soomaaliyeed iska dul qaadeen gumeystihii reer Yurub kuna midoobeen dowlad mida.

W.Q: Axmed Maxamed Axmed

Previous Post

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo kormeeray Xarumaha Ciidanka ee Degmada Hobyo.

Next Post

Bulshada Degmada Xudur oo dar dargelinaya qaadashada tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka ee COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post
Bulshada Degmada Xudur oo dar dargelinaya qaadashada tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka ee COVID-19 “SAWIRRO”

Bulshada Degmada Xudur oo dar dargelinaya qaadashada tallooyinka Wasaaradda Caafimaadka ee COVID-19 "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In