Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Shirka ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Mudane Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

Tags: R/Wasaare Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka
Previous Post

Maxkamadda ciidanka oo xukun ku ridday dhagar qabe ka tirsan Al-shabaab

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma istaahilaan, culeyskii ay kala kulmeen muddadii ay Waddooyinku Xirnaayeen

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma istaahilaan, culeyskii ay kala kulmeen muddadii ay Waddooyinku Xirnaayeen

Ra'iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma istaahilaan, culeyskii ay kala kulmeen muddadii ay Waddooyinku Xirnaayeen

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In