Sunday, November 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Raggii ka dambeeyay weerarkii Masjidka Nabigeena oo la diley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labadii  nin ee ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH ee magaalada Barakeysan ee Madiina ayaa lagu diley is rasaaseyn ka dhacday magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sacuudiga.

Tayea Salem Yaslam Al-Sayari, ayaa waxaa diley ciidanka amniga dalka Sacuudiga kaas oo maleegey shirqoolkii lagu weeraray Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH, sanadkii la soo dhaafay.

Related posts

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025

Al-Sayari, ayaa la sheegay in uu ahaa qofka sameeyay suunkii ka sameysnaa qarax ee lala galay Masjidka , isagoo sidoo kale diyaariyay qaraxyadii lala eegtay Isbitaalka  Dr. Soliman Fakeeh oo ku yaala magaalada Jaddeh  4 bishii Luul , 2016, sidoo kale waxaa uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday isbitaal ay leeyihiin ciidanka gaarka ah ee Sacuudiga oo ku yaala magaalada Abha ee koofurta dalkaas, 9 August ee sanadkii 2015.

Laamaha amniga ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay sheegeen in  Al-Sayari, uu yahay nin khatar ah isla markaana ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan ururka Daacish kuna takhasusay sameynta qaraxyada.

Ninka labaad ayaa ahaa Talal Bin Samran Al-Saedi, iyadoo howlgalka lagu diley labadaan nin uu ka dhacay degmada Yasmeen oo ku taala waqooyiga magaalada Riyaad.

Labadaan nin ayaa waxaa ay yihiin muwaadiniin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Markii ay ciidanka amniga weydiisteen in ay isa soo dhiibaan ayay bilaabeen in ay iska caabin sameeyaan isla markaana ay isku dayaan in ay baxsadaan ayaa la toogtay labada nin ee la baadi goobayay, waxaana ay xirnaayeen walxaha qarax, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradd arimaha gudaha Maj. Gen. Mansour Al-Turki oo shir jaraa’id qabtay.

Ma jiro ilaa iyo hadda qof rayid ah oo ay waxyeelo soo gartay intii howlgalka uu socday, hase yeeshee mid kamid ah askarta howlgalka sameysay ayaa dhaawac fudud soo gaaray.

Guriga ay deganaayeen labadan ruux ayaa laga heley dhowr qori, bomka gacanta lagu farsameeyay iyo suun qaraxa ka sameysan.

“Tayea Al-Sayari ayaa ahaa arday minxo waxbarasho ka heley dalka New Zealand isagoo bartay maadada Engineering-ka. Waxaa uu intaa ka dib uu aaday dalka Suuriya oo uu ku biiray Daacish, isagoo tagay dalka Turkiga oo muddo kadibna u safray Suudaan oo kadibna dalka Yemen yimid, markaas kadib ayuu ku soo laabtay dalka Sacuudi Carabiya isagoo qorsheeyay weeraro argagaxiso,” sidaa waxaa sheegay saraakiil Sacuudiga u dhashay.

 

Previous Post

In ka badan 100-Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray wadanka Suudaan

Next Post

Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Next Post
Mas’uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Mas'uuliyiin loo kala magacaabay degmooyin Hirshabeele ka tirsan

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo maalintii 2aad ka soconaya magaalada Muqdisho

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaasi oo sanadkan si gaar ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In