Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal Wasaarahii Kazakhistaan oo is casilay

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal Wasaarahii Kazakhistaan oo is casilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Kazakhistaan ayaa maanta oo Arbaca ah, ku dhawaaqday in Xukuumadda ay istiqaalo u gudbisay Madaxweyne dalka Kassym Gumrat Tokayev, si loo qaboojiyo dibadbaxayada  looga soo horjeeda sare u kaca ku yimid qiimaha adeegyada dowladda.

Madaxtooyada Kazkhistaan ayaa baraha bulshada ee ay adeegsato ku daabacday digreeto Madaxweyne, taasoo lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu aqbalay is casilaadda ay soo gudbiyeen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Askar Mamin.

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Ali Khan Ismailov oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Kazkhistaan ayuu Madaxweynaha faray inuu  sii wado howlaha Xukuumadda inta laga soo dhisayo Xukuumad cusub, sidokale wareegtada ayaa intaa ku dartay in xubnaha dowladda ay sii wadi doonaan shaqada inta laga ansixinayo dhismaha xukuumadda cusub.

Madaxweynaha Kazakhstan ayaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ku amray inuu xakamayo qiimaha shidaalka iyo badeecadaha aasaasiga ah, wuxuuna sheegay in xukuumadda xilka ka tagtay ay mas’uul ka tahay xiisadda dalka ka jirta, ayna ka gaabisay ka hortaga sicir bararka adeegyada Dowladda.

 

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la yeeshay Bulshada Rayidka

Next Post

Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay R/W Rooble oo bilaabay qeybinta kaalmo lacageed

Next Post
Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay R/W Rooble oo bilaabay qeybinta kaalmo lacageed

Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay R/W Rooble oo bilaabay qeybinta kaalmo lacageed

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In